X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Bixinaya Kharashka Kaadhadhka Codbixiyayaasha Somaliland

Araweelo News Network

Washington- Somalilandspan.com- Dawladda Maraykanka ayaa shaaca laga qaaday inay bixinayso kharashka lagu soo iibinayo kaadhadh madhan iyo qalabkii lagu daabacayey ee codbixiyeyaasha Somaliland, oo ku baxayso dhaqaale gaadhaya hal milyan oo dollar.

Mr. Michael J. Zamba, madaxa warbaahinta, hay’adda Creative Association International ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaalaha ku baxaya iibka kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo qalabka lagu daabacayo oo ay maalgelisay hay’adda USAID, ka mid yahay taageeradooda Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, Ururada aan dawliga ahayn, iyo warbaahinta.

Mr. Zamba oo ka jawaabayey su’aalo shabakada Somalilandspan.com ka weydiisay kaalinta ay ku leeyahiin daabacaada kaadhadhka codbixiyeyaasha Somaliland ayaa yidhi,

“Haa, mashruuca BUILD waxa ku jira kharshka soo iibinta kaadhadhka madhan ee codbixiyeyaasha iyo qalabkii lagu daabaci lahaa, oo ku baxayso kharsh gaadhaya $976,271 US. Dollars. Dhaqaalaha waxa bixisay hay’adda horumarinta caalamka (USAID).”

Mar uu ka hadlayey kharash dheeraad ah oo ku baxaya safar 2 xubnood oo Komiishanka Doorashooyinku ugu socdaalayaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayuu raaciyey,

“Mashruucan waxuu kaloo bixinayaa kharashka socdaal ee labo xubood oo Komiishanka Somaliland ku tegayaan magaalada Paris.

Mar la weydiiyey maadama muddo kooban ka hadhay xilligii loo qorsheeyey doorashada madaxweynaha ee Somaliland qabsoonto, siduu u arko in lagaga gaadhsiin karo qebinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland ayuu ku jawaabay,

“Komiishanka Somaliland iyo mashruuca BUILD khubaradoodu waxay isla qaateen in wakhti ku filan loo helayo qeybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo qeybintooda, doorashada ka hor.

Jawaabaha Mr. Zamba, madaxda warbaahinta hay’adda Creative Association International ayaa su’aalo cusub oo jawaabahooda laga sugayo Komiishanka Somaliland ka abuurmayaan, la xidhiidha hadii hay’adda USAID bixinayso kharashka soo iibinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland iyo daabacaadooda, maxaa lagu qabanayaa kharash gaadhayey 4 Milyan oo dhowaan xukuumada Somaliland ku wareejisay Komiishanka Doorashooyinka, oo loogu tallogalay hawlaha la xidhiidha kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Mr. Cabdiqaadir Iimaan oo wax laga weydiiyey kharashka hay’adda USAID ku bixinayso iibka kaadhadhka madhan iyo qalabkii lagu daabacayey iyo kharashkii dhowaan xukuumada Somaliland ku bixisay kaadhadhka ayaan wax jawaab ah ka soo bixin.

Source: somalilandspan.com/

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post