X
    Categories: Warar

Maraykanka oo Bamkii Ugu Waynaa ku Dhufatay Degaanno ku Yaal Bariga Afghanistan

Araweelo News Network

Washington (ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa bamkii ugu weynaa taariikhda ku dhufatay degaanno ku yaal bariga dalka Afghanistan oo ay ku yaal dhufaysyo iyo godad dhulka hoostiisa ah oo ay adeegsadaan dagaalyahannada ISIS.
Qumbuladan bamka ah ee lagu dhuftay goobaha dhufayska u ah Kooxda ISIS ee dalka Afghanistan, waxa lagu sifeeyey inay tahay bamka ugu weyn ee aan nugliyeer ahayn oo markii u horaysay lagu isticmaalay goob dagaal, taasoo awoodeedu tahay inay burburiso xarumaha dhulka hoostiisa ah ay adeegsadaan dagaalyahannadu, iyadoo bamkan lagu duqeeyey Afghanistan uu culayskiisu dhan yahay 9,500 kg, taasoo ka culus qumbuladii nugliyeerka ahayd ee lagu dhuftay magaalada Heroshima ee dalka Japan xiligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku.
Guriga Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka iyo Taliska Guud ee ciidanka dalkaas, ayaa xaqiijiyey shalay inay bamkaas aadka u weyn u isticmaaleen si loogu burburiyo godad iyo xarumo dhulka hoostiisa ah oo ay ku dhuuntaan dagaalyahannada ISIS ee ka hawlgala dalka Afghanistan, kuwaasoo aan lagu waxyeelayn karin duqaymaha gantaalaha caadiga ah ee dhinaca cirka lagaga soo rido.
Bambkan culayska iyo baaxaddiisu wayn tahay oo la yidhaah hooyada bambooyinka oo dhan – MOAB – Mother of all bombs), waxa markii u horaysay la tijaabiyey sannadkii 2003-kii, iyadoo Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanku sheegay in bamka ay isticmaaleen shalay qorshihiisu yahay in lagu wiiqo awoodda dagaalyahannada ISIS ee ku dhuumaalaysta godadka ay ku samaysteen dhulka hoostiisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post