X
    Categories: Warar

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Si Kulul Isugu Maan-dhaafay Diyaarad Laga Soo Riday Suuriya

Washington(ANN)- Dalalka Maraykanka iyo Ruushka, ayaa si kulul isugu maan-dhaafay Diyaarad ay lahayd Dawladda Suuriya oo Maraykanku soo riday koonfurta dalka Suuriya meel u dhow goobaha ay Maraykanku ka howgalaan xili ay hawlo dhanka basaasnino oo Millateri ka waday aaga dagaalka ka socda dalkaa.

Xukuumadda Washington, ayaa ku waxuu sheegtay in diyaaradaa in ay ahayd mid xasarad abuuraysay, Balse xukuumadda Ruushka ee xulufada la ah Xukuumadda Bashaar Al-Asad , ayaa si weyn uga cadhootay talaabada Maraykanku kusoo riday diyaaradda ay Suuriya lahayd.
Wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka Pentagon, ayaa mar sii horraysay sheegtay in koonfurta Suuriya meel u dhaw goobta ay ka howlgalaan Ciidamadda Maraykanka iyo xoogaga ay taageeraan ay ku soo rideen diyaarad nooca Drones-ka loo yaqaan.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Suuriya la soo riday, taas oo sababtay in Ruushka u ka cadhoodo tallaabadaasi, wuxuuna ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda, iyadoo Maraykanku dhinaciisa hore u sheegay in uu is difaaci doono.

Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, isla markaana ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.

Labadan dal ayaa si weyn isugu khilaafsan dagaalka ka socda dalka Suuriya dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo Ruushku si weyn u taageero xukuumadda Bashar Al-asad, halka Maraykanku si toos ah muddooyinkii u danbeeyay u siinayay qaar ka mid ah kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Suuriya,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post