X

Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Digniin Kulul Kasoo Saaray Ciidamadda Eriteria Oo Ku Laabtay Gobolka Tigray

Araweelo News Network.

Washington (ANN)- Maraykanka, ayaa digniin kulul u jeediyay dalka Eriteria, kaddib markii ay kusoo laabteen ciidamaddeedu gudaha dalka Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigray oo ay soo galeen Nov 2020, iyagoo kaalmayna ciidamadda Federaalka Ethiopia ee dagaalka kula jiray maamulka TPLF.

Cadaadis caalami ah oo ka dhashay eeddaymo ciidamadda Eriteria joogitaankooda gobolka Tigray oo la xidhiidhay xasuuq, kufi iyo gabood falo kale, ayaa sababay in bishii Jun 2021, dawladda Eriteria kala baxdo Ethiopia ciidankeeda, balse mar kale ayay kusoo laabteen, kaddib markii dagaalyahanka Tigray dib u qabsadeen gobolka iyo deegaamo kale oo ka mid ah kuwa Amxaarada iyo Canfarta.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganay bayaan uu soo saaray Isniintii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony John Blinken, in ciidamadda Eriteria kusoo laabteen gobolka Tigray si dagaalka ka socda gobolka uga qayb qaataan oo ay u taageeraan ciidamadda dawladda Federaalka Ethiopia.

Diblumaasi Midawga Yurub ah, ayaa sheegay in Eriteria August 20, usoo dirtay ciidamaddeeda gobolka Tigray, kuwaas oo kasoo gudbay xadka gobolka Tigray, sidoo kale wakaaladda Reuter, ayaa sheegtay in heshay warar xaqiijinaya in Ciidamadda Eriteria qabsadeen qaybo ka mid ah galbeedka Tigray, isla markaana qabsadeen Magaalooyinka Adi Gosha iyo Humera, iyagoo ku hubaysan Taangiyo iyo Madaafiic.

Waaxda Khasnada Qaranka Maraykanka, ayaa liiska cunaqabataynta ku daray Saraakiisha Eriteria oo hoggaaminaya ciidanka Eriteria, kuwaas oo hore loogu eeddeeyay xasuuq, kufi iyo tacadiyo ay ka geysteen gobolka Tigray.

Maraykanka iyo Midawga Yurub, ayaa si wadajir ah uga digay in Eriteria ciidankeeda ku laabtaan gobolka oo weli ku jira xaalad adag oo malaayiin qof ku barakaceen, halka kumanaan kale ay ku nafwaayeen dagaalka ka socda gobolka.

Arrintan ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed booqday caasimadda Eriteria 17 August, iyadoo aan la ogayn ujeedada booqashada, isagoo sidoo kale booqday dalka Turkiga, halkaas oo Madaxweynaha Turkiga Erdogan ka sheegay in dalkiisu doonayo in lasoo afjaro dagaalka gobolka iyo weliba xiisada u dhaxaysa Ethiopia iyo Suudaan ee biyaha webiga Niilka iyo muranka dhulka ee soo ifbaxay markii uu dagaalka Tigray ka bilaabmay gobolka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post