X

Maraykanka Iyo Imaraadka Oo  Xidhiidhkooda Mugdi Soo Dhexgalay  

US President Joe Biden with UAE's President Sheikh Mohamed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan. Photo Credit: White House

#Araweelo_News_Neywork

Warbixintan waxaa lagu daabacay Wargeyska (The world street )

Waxaa Qoray weriyaha (maykal istiifan) Michael stephanie.

Madaxweeynaha maraykanka Joe Biden ayaa la xidhiidhay Maxamed Bin Zayed wuxuuna ka dalbaday inuu ka taageero Dagaalka Yukrayn (Ukraine) Blase maxamed Bin Zayed ayaa arrintaa diiday.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka dalbday maxamed Bin Zayed Heshiis Difaac iyo Ganacsi oo gaar ah , iyo in labada waddan ku heshiiyaan maal gashi qiimihiisu yahay 100 billion oo dollar , mashruucaasi oo ah soo saarista Tamarta iyo shidaalka Nadiifta ah. Balse maxamed Bin Zayed ayaa raba inuu xidhiidhkiisa u weeciyo dhanka Ruushka iyo shiinaha.

Maxmed Bin Zayed ayaad u raba inuu Noqdo Hormuud Bariga dhexe Hoggaamiya oo xidhiidh la leh Ruushka iyo shiinaha. Wuxuuna la kulmay Vladamir Putin bishii oktoober ee sanandkii hore.

Maraykanka ayaa u soo bandhigay maxmed Bin Zayed inuu xulufo kula noqdo mashruuca la dagaalanka argagixisada, iyo mashruuca hoos u dhisgista sare u kaca shidaalka balse maxamed Bin Zayed ayaa diiday dalabaadka maraykanka, gaar ahaan wuxuu diiday dalabka ah in Sicirka shidaalka hoos loo dhigo.

Sannadkii 2020 Maxamed Bin Zayed ayaa heshiis Nabad gelyo la gaadhay israa’iil heshiiskaa oo dhigayey inuu xulufo mar walba la Ahaado maraykanka.

Maraykanka ayaa cadaadis ku saaray imaaraatka carabta inay xidho saldhigga shiinuhu ku leeyahay imaaraatka carabta , sidoo kale maraykanka ayaa diiday in imaaratku heshiis la gaadho shirkadda Taleefoonada shiinaha ee Huwei.

Xidhiidhka imaaraatka iyo maraykanka ayaa xumaaday ka dib markii Xuutiyiintu ay gantaalo ku duqeeyeen magaalada abuu Dhabi sannadkii 2022, taasi oo aysan wax gurmad ah aysan ka geeysan maraykanku.

Warbixintan waxaa lagu daabacay wargeeyska (The world street ) taariikh 17 kii May 2023.

Waxa soo turjumay :  Dr.Ahmed Hasan Saalah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post