X

Maraakiibta Dagaalka Iran Oo Kusii Jeeda Yemen, Turkiga Iyo Pakistan Oo Ku Gacansaydhay Inay Ku Biiraan Xulufada Sucuudiga Kadibna Ku Baaqay Xabad Joojin


Tehran(ANN)Dawlada Iran ayaa laba markab oo kuwa dagaalka ah u dirtay Dalka Yemen oo dagaal Cir iyo dhulba hadheeyay ka socdo. Labada Markab, ayaa kusii jeeda Magaalada dagaalka qadhaadhi ka socdo ee Cadan oo ay ku taal dekeda Istiraatiijiga ah ee labadii todobaad ee u danbeeyay dagaalku ka socday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Imaraadka Sheikh Abdullah Zayed, oo ka dalkiisu ka mid yahay xulufada Sucuudiga, ayaa Arbacadii maanta 8 March sheegay in ay Qaramada Midoobay looga baahanyahay inay joojiso hubka dawlada Iran ku daabulay Yemen oo sida uu sheegay loo wado Xuutiyiinta shiicada ah ee dagaalka kula jira suniyiinta.
Xukuumadda Tahran, ayaa beensiay arrintaa, waxayna sheegtay in aanu jirin hub ay u diray Xuutiyiinta, balse Maraakiibteeda dagaalku u tegeyaan halkaa si ay u ilaaliyaan maraakiibta ay leeiyiin ee maraysa Biyaha gacanka cadmeed, waxayna wada jir ugu baaqeen dalalka Lebanon, Syria, Iraq, Afghanistan and Pakistan in la joojiyo dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee Yemen.


Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka Yemen. Kadib markii Madaxweynaha Turkiga oo booqday Tahran Talaadadii la kulmay Hassan Rouhani iyo Hoggaamiyaha Diimeed ee Ayatollah Ali Khamenei. Sidoo kale waxa baaqan ku biiray Bakistaan oo dalbatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, isla markaana wadahadal lagu dhameeyo oo miiska laysugu yimaado.
Dhaqdhaqaaqa dublamaasiyadeed oo uu qayb ka yahay Sucuudigu kadib marki Mohammed bin Nayef oo ah dhaxal sugaha, isla markaana ah wasiirka Arrimaha gudaha Sucuudiga booqday Ankara Isniintii, si uu dawlada Turkiga ugala hadlo xaalada dagaalka dalka Yemen iyo inay qayb ka noqdaan Turkiga iyo Pakistan xulufada dagaalka ee sucuudigu hoggaaminayo, balse waxay ku gacansaydheen dalabkaa sucuuidiga, taas oo sababtay Madaxweynaha Turkiga oo booqday Tahran Talaadadii la kulmay Hassan Rouhani iyo Hoggaamiyaha Diimeed ee Ayatollah Ali Khamenei, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Javad Zarif, booqday Islamabad.
Iran waxay Olole ka dhan ah dagaalka xulufada Sucuudigu ku qaadeen Xuutiyiinta Shiicada ah iyo Ciidamadii Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdale Saalax oo is kaashanaya iyo malayshiyo u dagaalamay Madaxweyne Cabdulrabo Mansour Hadi oo dagaal kulul maalmihii u danbeeyay ku dhexmarayay magaalada Cadan ee istiraatiijiga ah iyo magaalooyin kale.
Dagaalka ayaa galay xaalad adag oo laga dayrinayo nolosha dadka Yemen, gaar ahaan magaalada Cadan oo duqaynta dhinaca Cirka iyo Badda ee xulufada Sucuudiga ay u dheertahay dagaal kulal oo ka soconaya magaalada gudaheeda iyo hareereheeda, iyadoo laanqayrta case e caalamiga oo ka dayrinay xaaladu sahaydii gargaar ee u horaysay geysay shalay halkaa.

Ugu yaraan 22 qof, ayaa lu dhintay maanta , iyadoo 70 kalena ku dhaawacmeen. Kadib markii xuutiyiinta iyo xulufada ciidanka Cali Cabdala Saalax madaafiic ku garaaceen Crater iyo Macala oo ka mid ah Magaalada Cadan ee dekeda istiraatiijiga ah leh.
680 qof, ayaa maalmihii dagaalku socday ku dhintay, iyadoo 22,000 ku dhaacmeen, kuwaas oo inta badan duqaynta dhinaca cirka iyo madaafiicda lala beegsaday guraha ay deganaayeen maalada Cadan.

Haeenay u hadashay ICRC, ayaa waakaaladaha wararka u sheegtay in Biyihii, Cuntadii iyo Laydhkii ka go’een magaalada Cadan, isla markaana maydadka dadku daadsan yihiin shaaracyada, waxayna ka digtay xaalada halista ah ee sii socota.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post