X
    Categories: Warar

Malayshiyo La Wareegtay Magaalada Boosaaso, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Xaalada Cakiran


Boosaaso(ANN)-Malayshiyo hubaysan, ayaa la wareegay xarumaha maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, kadib dagaal ka dhacay goobo ka mid ah, kuwa ay malayshiyadu weerrareen.


Sida ay sheegayaan warar hordhaca ah ee ka imanaya magaalada Boosaaso Kooxda Malayshiyada oo uu hoggaaminayay nin lagu magcaabo Ciise Yulux oo horre uga mid ahaa kooxaha Budhcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, ayaa watay malayshiyada soo galay magaalada kuwaas oo ka yimi Carmo.


Malayshiyada, ayaa waajahay Madaarka Magaalada Boosaaso, xarumaha hay’adda qaramada Midoobay iyo goobo kale, waxayna wararku intaa ku darayaan in madaxtooyada Boosaaso ee maamul goboleeka Soomaaliya ee Puntland, dagaal ku dhexmarayo ciidamo taabacsan maamulka Puntland ee Madaxweyne Deni.


Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaran shan qof ku dhinteen dagaalka, iyadoo xaaladu qasantahay, isla markaana dadka Boosaaso ay dareemayaan cabsi iyo xaalad dagaal oo soo waajahday, iyadoo ciidaamo ka yimi dhanka Garoowe gaadheen halkaa, walaw wararka ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladu degantahay hada.


Maamulka Puntland, ayaan weli ka hadlin xaalada soo waajahday ee magaalada Boosaaso, iyadoo maamulka Garoowe ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee xilka laga qaaday.

sidoo kale waxa jiray khilaaf u dhexeeyay deegamada ay kasoo jeedaan malayshiyada iyo maamulka Puntland, iyadoo kulamo la doonayay in xal loogu helo khilaafkaa uu baaqday xalay, Balse qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka qaarkood oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhoweeyay malayshiyada qabsatay Boosaaso.


wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post