Araweelo News Network
Galaydh1
Buuhoodle(ANN)- Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh ee horjoogaha u ah maamulka khaatumo ayaa loo diiday inuu ka dhoofo gegida Diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle, halkaas oo uu diyaarad yar uga raaci lahaa maanta Magaaladda Djibouti.

Mr. Gallay, waxa diiday in uu ka dhoofo Buuhoodle Koox malleeshiyo beeleed ah, kuwaas oo xoog iskaga hortaagay inuu raaco Diyaaradda. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in xiisadi ka jirtay garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ka dib markii ciidan uu hogaaminaayo Cabdifataax Baydan oo sheegta Taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle ay iska hortaageen Cali Khaliif inuu ka dhoofo garoonkaasi . ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Dhinaca kale Taliyaha Malayshiyada is hortaagay Diyaarada Cabdifataax Baydan, ayaa BBC-da u sheegay galabta in diyaaraddii ay sii daayeen , Cali Khaliif-na ay ka reebeen inuu u raaco diyaaradda Djibouti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland ,wadahadalladaasi oo uu sheegay Taliye Baydan inaan Cali Khaliif ku metelin dadka deegaanka Buuhoodle .

Odayaal iyo waxgarad ayaa soo dhexgalay arrinta, waxayna ku qanciyeen malayshiyada inay fasaxaan Diyaaradda iyo Cali Khaliif Gallaydh, balse Malayshiyada ayaa ku hanjabtay in Cali Khaliif haddii ay fasaxaan aanu kusoo laaban karin Buuhoodle sidaana uu kaga baxo, iyadoo Cali Khaliif ugu danbayntii diiday shuruudaa sidaana kaga hadhay Diyaaradii oo la fasaxay.
Gallaydh, ayaa dalka Djibouti kaga qaybgeli lahaa wada hadalada u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka uu horjoogaha u yahay ee Khaatumo.