X
    Categories: Warar

Majara-habaabintii Guddoomiye Cirro Ee Dastuurka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ka been-sheegay qodobadda Dastuurka Qaranka Somaliland ee lagu dhaariyey oo ay ahayd inuu ku dhaqmo oo ixtiraamo, kaddib markii uu sheegay hadal lagu majaro-habaabinayo dariiqa xukuumaddu u martay ansixinta heshiiska saldhiga Milateri.

Gudoomiye Cirro ayaa ku sheegay hadal uu xalay jeediyey inaanu dastuurku ogolayn, isla markaana, Madaxweynaha JSL aanu isugu yeedhi karin fadhi labada GOLLE oo lagu ansixinayo nuxurka heshiiska Somaliland ugu ogolaanayso in saldhig Milateri dawlada Imaaraadka carabtu ku yeelato dalka, waxaanu daliil ugu soo qaatay khudbadiisii xalay:

“Dastuurku waxa uu qodobka 38aad uu ku caddeeyey farqaddiisa lixaad in waxyaabaha ay labada Gole iskugu iman karaan ay fadhi wada-jir ah ka yeelan karaan, se heshiis ay Xukuumaddu la gasho dal kale kuma jiro waxyaabahaas oo marka heshiis ay noqoto ama ansaxin waxa uu dastuurku siiyey Golaha Wakiilada sida ku qoran ee ku cad qodobka dastuurka ee 53aad, farqaddiisa saddexaad, wixii ansaxin ahna dhammaan waxa iska leh Golaha Wakiilada sida aad ka warqabtaan, haddii ay Miisaaniyad tahay iyo haddii ay tahay ba wasiiro la ansaxiyo iyo heshiisyo ba. Fadhigaas na waa keliya ee aanu ku tix-gelinay waxa weeye oo keliya in uu soo codsaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu la kulmo labada Gole Baarlamaan ee Somaliland. Walaaleyaal fadhigani waxa uu khilaafsan yahay nidaamka ku xadidan dastuurka ay ku shaqeeyaan Goleyaashu, taasi na waxa ay innoo sheegaysaa in aanu sharcigu guur guurin ee dadku guur guuro.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

DASTUURKA SOMALILAND, muxuu ka qabaa fadhiyada WADAJIRKA ee LABADDA GOLLE BAARLAMAAN yeeshaan iyo waxyaalaha lagu ansixiyo, iyadoo uu arrimahaa qeyb ka yahay HESHIISKA SALDHIGA MILATERI ee la ansixiyey ka mid ah arrimaha saamayn gobol iyo mid caalami yeelanaya.

QODOBKA 61AAD ee Dastuurka Somaliland

FADHIYADDA WADAJIRKA AH EE LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA

Labada gole ee Baarlamaanku, fadhiyo wada jir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid ka yihiin;

B – Dhegeysiga warbixinta madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada gole midkood.

T- Marka laga doodayo ku biirida Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed ama caalami.

J – Go’aaminta iyo ku dhawaaqida xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.

X – Ka doodista dhawrsanaan ka qaadida Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka.

KH- Doodaha ku saabsan Aafooyinka dabiiciga ah;

D- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdega ah;

R- Doodda lagu ansixinayo magcaabida guddoomiyaha Maxkamada sare; iyo

Sh – Arrimaha kale ee 2da gole la haboonaada inay fadhi wada jir ah ka yeeshaan.

Sidaa awgeed XUKUUMADDA iyo XISBIGA WADANNI midkee sharciga ku taagan, ama BAAL-MARSAN!

Source: http://somalilandspan.com/

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post