X
    Categories: Warar

Magaalada London oo Markii ugu Horreysay loo Doortay Maayar Muslim ah

Araweelo News Network

London(ANN) Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysay taariikhda loo doortay maayar muslim ah oo ka soo jeeda qaaradda Aasiya maalintii Jimcaha.
Mr. Sadiq Khan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, dhalasho ahaanna ka soo jeeda dalka Pakistan, ayaa loo doortay Duqa caasimadda Britain ee London, isagoo jagadaas hayn doona afarta sannadood ee soo socda.
Mr. Khan kama uu mid ahayn murrashaxiinta loo saadaalinayey inay ku guulaysan doonaan maayarnimada magaalada London, waxaannu noqonayaa masuulkii ugu horreeyey muslim ah ee xilkaas hanta.
Duqa cusub ee London oo da’diisu tahay 45 jir waxa uu ka dhashay qoys reer Pakistan ah ka kooban siddeed carruur ah, hooyo iyo aabbe waqti hore u haajiray waddanka Ingiriiska. Aabbihii Khan waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxay ka shaqeyn jirtay dawaarle dharka lagu tolo oo ku yaal caasimadda Britain.
Mr. Sadiq Khan waxa uu dedaal badan u galay sidii uu nolosha heer uga gaadhi lahaa. Waa garyaqaan ka baxay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda North London, wuxuuna leeyahay xaas iyo laba gabdhood.
Duqa magaalada London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo aad u ballaadhan, waxana jira dad shaki ka qaba in Mr Sadiq uu hawshaas ku fashilmo, laakiin waxa uu haystaa kalsoonida shacabka ku dhaqan caasimadda dalka Ingiriiska oo ka dhex doortay murrashaxiin kala duwan oo kula loollamayey xilkaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post