X
    Categories: Warar

Magaalada Burco Oo Xaalad Deg-Deg Ah Lagu Soo Rogay

Araweelo News Network

Maayirka magaalada Burco. Maxamed Cabdiraxmaan Muraad


Burco(ANN)-Masuuliyiinta Magaalada Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa xaalad deg-deg ah kusoo rogay Magaalada.kaddib markii ay sii xumaatay xaalada cudurka Shuban-biyoodka.

Maayarka Burco Maxamed Cabdiraxmaan Munaad oo weheliyaan xildhibaanada golaha deegaanka, ayaa sheegay in Magaalada Burco ay gashay xaalad deg-deg ah oo Caafimaad, Isla markaana Kulan arrimtaa ay kaga hadlayeen ku go’aamiyeen 9 Qodob oo la doonayo in lagu tacaalo xaalada Shuban-biyoodka oo sii Xumaanay.

Qodobada kulankaa Laga soo saaray Waxay sheegayaan in gebi ahaan la hakiyay Imtixaanadii Dugsiyada dawladda iyo kuwa garland ah, sidoo kale waxa la mamnuucay kulamada Bulshadda Ilaa inta Xaalada Laga baxayo.

Masuuliyiinta ayaa dhaliilo usoo jeedixyay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Iyo Masuuliyiinta wasaaradda oo ay sheegeen in aanay talaabadii loo baahnaa ka qaadin Xaalada.

Goobaha Farmesiyadda Iyo shirkaddaha dawooyinka iibiya, ayaa Fariimo ay xanbaarsan yihiin qodobadii lasoo saaray loo diray. Sidoo kale waxa qodobadaa masuuliyiintu soo saareen ku Jira in Kaantaroolada Magaalada ayaa Lagu hubinayaa Dadka Ka baxa magalaada Iyo kuwa soo gelaya, waxa kale qodobadaa Lagu sheegay in ay ku jiraan wacyigelin iyo Olole nadaafadeed la qaado, Isla markaana xanuunku soo ritay la geeyo goobaha karantiinka ee loo qorsheeyay,balse aan meelo kale la marin.

Xaalada shubanka ayaa galaafatay Nolosha boqolaal qof deegaamada Caynabo, Buuhoodle Iyo deegaamada kale ee Hawdka, balse muddooyinkii u danbeeyay markii Raxmaadka Roobku Ka Curtay Dalka wuxuu xanuunka shubanku kusoo faafayay dhinaca magaalada Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, kaas oo sababay in ay u dhintaan Daraasiin dad ah, Isla markaana boqolaal kale oo uu soo ritay lala tacaalayo, walaw aanay Masuuliyiinta Togdheer ee magaalada Burco Sheegin tirada dhabta ah ee Dadka u dhintay xanuunkaa iyo tirada uu soo ritay ee soo gaadhay goobaha Caafiamaadka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post