X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadkay Maalinta Shuhudada Halgamayaashii U Shihiiday Xoriyada Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi

 

 

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay maalinta shuhudada halgamayaashii naftooda ku waayay sidii Qaranka Somaliland xoriyaddiisa  ula soo noqon lahaa.

Munaasibada  Xuska Shuhadada ee 17 October darteed oo sannad walba laga xuso dalka, wuxuu Madaxweyne Muuse kaga hadlay geesiyaashii dhammaantood naftooa u huray xoriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, kaas oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Waxa uu Hambalyo u dirayaa Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u huray xornimadda & madax-bannaanida dalka xilliyaddii kala duwan.

Maanta waa xuskii Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimadda iyo madax-bannaanida dalkeena xilliyo kala duwan. Ka soo bilow Halgankii Gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka.

Waxaan Alle uga baryahaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena.

Dhammaanteen, shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xariirta ah iyo Xukuumadba, waa in aan ka qayb-galnaa sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah marxaladihii isdaba-jooga ahaa ee dalku soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeenii nololeed. Taasi waxa ay faa’iido u tahay in faca mustaqbalku ka baydho khaladaadkii aynu soo marnay, kuna tanaado waayo-aragnimaddii aynu ka dhaxalnay iyo in ay yeeshaan han iyo isku kalsooni marka ay arkaan taariikhda faca-wayn ee dalkeena. Waxay wax ka taraysaa isku duubnida iyo wada-jirka Qarankeena. Waxa ay dib innoo xasuusinaysaa halgannadii, barwaaqadii iyo maalmihii adkaa ee aynu soo wada marnay.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post