X
    Categories: Warar

“Madaxweynuhu Gurmad Ayuu U Baahanyahay, Ramaaxna Waxa Xidhay Kooxda Heeggo”Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Af-hayeenka WADDANI

Hargeysa(ANN)-Afhayeeka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Garyaqaan Barkhad jaamac batuun, ayaa si adag uga hadlay xadhiga Xoghayihii Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo xalay Xabsiga loo taxaabay, isagoo dhinaca kale ku baaqay in madaxweynaha loo gurmado oo laga badbaadiyo koox uu ku sheegay Heeggo oo sida xusay ka dhex-dilaacay xukuumadda Madaxweyne Biixi.


Garyaqaan Batuun oo la hadlay maanta Telefishanka Horn Cable, isagoo ka hadlayay xadhiga Ramaax Cali Saleebaan wuxuu dhaliilay qaabka uu Af-hayeenka Booliska Gaashaanle Sarrre Faysal Xiis uga hadlay Xadhiga Ramaax, wuuxuna ku tilmaamay mid u muuqday inuu yahay garsoore xukun ridaya, ee aanu ahayn baadhe, kadib markii uu dooda Ramaax ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.


Sidaa awgeed wuxuu xusay Garyaqaan Barkhad, in xadhigaasi yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana wuxuu tilmaamay in arrinta Baashe marmarsiiyo looga dhigtay xadhiga Ramaax, balse uu rumaysanyahay inay xidhay Koox uu ugu yeedhay Heeggo, kuwaas oo uu sheegay inay ka dhex-dilaaceen oo ka dhex-ganacsadaan dawladnimada, isla markaana looga duceeyo Madaxweyne Biixi kooxdaa.


“Muwaadiniintii waxay maryaan in sida Neef xoollo ah inta suuqa laga qabto inta la xidho oo Jeel lagu haysto haddana aayar layska sii daayo, deyr dulmiga ay ka galaan oo difaacayaana ma jiro, mana jiro sharci lagu dhaqmayaa, anigoo Af-hayeen xisbi ah iyo xighayihii guud ee xisbiga, ayaa inta nala qabtay toban maalmood markaanu meel ku jiray nala sii daayay, maxkamadna nalama geyn, maxaa nalagu haystay. waa sharci darada” ayuu yidhi, Af-hayeenka WADDANI, Barkhad Batuun.


Garyaqaan Barkhad, waxa uu sheegay inay muddo aamusnaayeen, taasna ay sabab u ahayd soo jeedintii Odayaashii iyo Culmidii arrinta gashay oo ay si weyn u ixt kaleiraamayaan, balse waxa uu sheegay in xukuumadda iyo Xisbigeedu aanay ixtiraamin soo jeedintaa, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda in aanu dalku u baahnayn xadhiga Ramaax iyo muwaadin la xabadeeyo ee u baahanyahay doorasho,


Dhinaca kale, wuxuu ku baaqay in dalka loo gurmado oo Madaxweynaha loo duceeyo, isagoo yidhi, “Nidaamkii dawladeed waxa ka dhex-abuurmay oo aan laba aan is gelikarin ah, waxa dilaacay Koox (Group) oo nidaamka dawliga ah ka dhex qatxay oo la baxay magac la yidhaahdo Heeggo, waana la wada yaqaanaa, Madaxweynaha ayaa u baahn gurmad oo u baahan in looga gurmado kooxdaa Heeggo ee maamulkii dawladnimo ka dhigtay Meherad laga macaasho, qofkay-doonnaan baawarkii iyagoo adeegsnaya ayay xidhaan, qofkay-doonnaana mashaariic siiyaan, markaa aragtidayda Ramaax uma xidhna Baashe ee wuxuu u xidhanyhay kooxdaa Heeggo Illaahay dalka ha ka badbaadiyee, Madaxweynuhuna gurmad ayuu u baahanyhay, ummada Somaliland waxaan leeyahay ninkaa Madaxweynaha ah haloo duceeyo.” ayuu yidhi, Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post