X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe Aqbalay Inuu Iscasilo

Araweelo News Network

Robert Mugabe

Harare(ANN)-Madaxweynihii Dalka Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa aqbalay inuu xilkii iska casilo, sidaana, waxa warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka Baarlamaanka dalka Zimbabwe Jacob Mudenda.

Robert Mugabe, wuxuu qoraal ku sheegay in uu iskii u go’aansaday go’aanka, si uu u fududeeyo awood wareejinta dalka Zimbabwe. kadib markii maalmihii u danbeeyay muran ka taagnaa inuu xilka sii hayo Madaxweynaha gaboobay ee halgamaaga ah.

Mugabe kuma xusin warqada uu ku qoray inuu iscasilay, mana sheegin cidda xilka kala wareegi doonta.

Markii lagu dhawaaqay in Madaxweyne Mugabe is casilay, waxaa si layaab leh u bilaabmay dabaaldeg iyo farxad ka billawday baarlamaanka, iyadoo shacabkuna billaabeen in ay waddooyinka waaweyn ku damaashaadaan.

Mugabe ayaa hore u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo lagu dalbanayay inuu xilka ka degeno ay dhaceen.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post