X
    Categories: Warar

Madaxweynihii La Afgenbiyay Ee Masar Iyo Sideetan Qof Oo Ay Ku Jiraan Mufdigii Ugu Weynaa Ururka Ikhwaanka Oo Del-delaad Lagu Xukumay

Qahira(ANN)Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Mursi ee xukunka laga tuuray markii Milateriga dalka Masar inqilaabeen ayaa lagu xukumay xukun del-delaad ah isaga iyo sideetan qof oo ay ku jiraan Mufdiga u weyn Ururka Ikhwaan muslimiinta dalka Masar Sheekh Maxamed Badiic iyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ka mid ah Culimada caanka ah.
Qaadiga guud ee maxkamadaha Masar ayaa akaadeemiyada Booliska magaalada Qaahira kaga dhawaaqay in xukun daldalaad ah lagu xukumay Mursi iyo 80 kamid ah xubnaha Ururka ikhwaanul muslimiin oo ay ku jiraan Maxamed Badiic oo ah hoggaamiyaha Ururka Ikhwaan Muslimiinka iyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi.

Maxamed Musri Madaxweynihii hore ee Masar, ayaa hore Maxkamad kale oo ku taal Masar ugu xukuntay xabsi daa’in, balse waxa la daba qaaday eedaymo kale oo ku saabsan kadib markii xoog lagu galay xabsiyada waaweyn ee dalka Masar sanaddii 2011, iyadoo Madaxweynihii hore Maxamed Mursi Qaadigu sheegay inuu ku galabsaday xukun deldelaad ah.

Sidoo kale qaadiga ayaa ku dhawaaqay in Higgaamiyihii Ururka Ikhwaanka Maxamed Badiic iyo Mufdiga caanka ah ee Sheekh Yuusuf Al Qardaawi lagu xukumay del-delaad, balse xubnaha lagu xukumay deldelaada ayaa qaarkood ka maqan yihiin dalka, waxaana hore ugu dhacay madaxda Ururka Ikhwaanka iyo Madaxweynihii hore ee Musri xukuno sidan oo kale, balse waxay xukuumadda Masar kala kulantay canbaarayn caalami ah, iyadoo lagu tilmaamay Maxkamaddaha xukunada ku dhawaaqay kuwo aan caddaalad ahayn oo aan waafaqsanayn qaanuunka caalamiga ah.

Xukuumadda Milaterigu higgaamiye ee Abdi-asiz al Sizi, ayaa markii ay xukunka ka tuurtay Madaxweynaha la xukumay Maxamed Musri oo ahaa madaxweynihii u horeeyay ee si dumuqraadi ah loo doorto dalka Masar xukunka la tuuray kadibna xabsiga dhigay isaga iyo kumanaan hoggaamiyayaal iyo saraakiil ka tirsnaa Ururk Ikhwaanka ee dalka Masar, waxaana arrintaa ka dhashay xiisad siyaasadeed oo weli ka aloosan dalka Masar, iyadoo Hay’addaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmaha iyo wadamada reer galbeedka qaarkood canbaareeyeen xukunada lagu riday Madaxweynihii hore iyo Hoggaamiyayaasha Ikhwaanka oo ay adagtahay in lagu fuliyo xukunada ku dhacay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post