X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Kililka Soomaalida Ethiopia Oo Is Casilay Iyo Xiisada Collaadda Soomaalida Iyo Oromada Oo Ku Fiday Gudaha Dalkaa Iyo Deriska

Araweelo News Network

Jigjiga(ANN)-Xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya Soomaalida Iyo Oromada ee Dalka Ethiopia, ayaa sii kordhay, islamarkaana ku Fiday Dalalka jaarka Sida Djibouti Iyo Soomaaliya, gaar ahaan Maamul goboleedka Puntland oo dad Oromo ah wax lagu Yeelayo.

sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee Dalka Ethiopia, ayaa collaadda u dhaxaysa Soomaalida Ethiopia Iyo Qowmiyada Oromada lagu faafisay, iyadoo dagaalka saaka ka bilaabmay Dirirdhaba uu socday Ilaa dahurkii maanta sida ay shebekadda wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Dirirdhaba.

Rabshadaha mudada soo socday ayaa si weyn saamayn ugu yeeshay Nolosha Malaayiin qof oo ah qowmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada, iyadoo ugu yaraan inta la ogyahay lagu dilay ku dhowaad 50 qof in ka baddan, kuwaas oo ay Ku jiraan Hooyo Soomaaliyeed oo Iyada iyo Afar Caruur ah oo ay wadatay lagu dilay Dirirdhaba.

Arrimaha fawdada ah ee ka socda dalka Ethiopia, ayaa sababay inuu xilka iska casilo Madaxweynihii Gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo  dawladda Federaalka ah  ee Ethiopia Iyo maamulka Cabdi Iilay sabab u noqday, Isla marakana sii shiday collaaddii labada qowmiyadood ee ay kasoo kala Jeedaan u dhaxaysay..

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga haya talada maamulka gobolka iyo saraakiil kale ayaa xaqiijiyey is casilaadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana  xilkaasi  loo dhiibay Axmed Cabdi Maxamed oo hore u ahaa wasiirka maaliyadda ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweynihii hore ee Kililka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo markii ay Ciidamadda Federaalku yimaadeen Magaalada Jigjiga galay xerada Ciidamadda Booliska ayaan  la ogayn halka uu ku danbeeyay, balse waxa Jira warar sheegaya in uu iska casilay xilkaa markii wada hadal dhexmaray isaga Iyo Masuuliyiinta Sare ee dawladda Federaalka Iyo weliba saraakiisha Milateriga.

Dhinaca kale sida ay sheegtay Idaacad laga leeyahay Dalka Ethiopia Ciidamadda dawladda Federaalka oo hore loogu diiday in aanay wax tallaabo ah qaadin oo ku hareeraysnaa magalada Ilaa Sabtidii, ayaa maanta hawlgalo ka bilaabay Magaalada Jigjiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post