X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Yemen Cali Cabdale Saalax Iyo Xulufadiisa Xuutiyiinta Oo Fadhiisiyay Baarlamaan Ay Sameeyeen Iyo Qaramada Midoobay U Digtay

Araweelo News Network

Golaha xuutiyiinta iyo Cali Cabdalle

Sanca(ANN)Qaramada Midoobay, ayaa uga digtay Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdla saalax iyo xulufadiisa Xuutiyiinta inay fadhiisiyaan Baarlamaanka ay samasteen dhowaan oo aanay aqoonsanayn Qaramada Midoobay iyo Xulufada Sucuudiga, isla markaana aanay qayb ka ahyn dawlada Madaxweyne Cabdirabo Mansoor Al-Haadi ee la aqoonsanyahay.
Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdale iyo xulufada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdi Raboo Mansuur ee sucuudigu iyo xulufadiisu taageeraan, ayaa Jul 28th, 2016, sameeyey gole baarlamaan ay sheegeen inuu metelayo shacbiga Yemen, iyagoo tallaabadaa qaaday, kaddib markii sida ay sheegeen lagu guuldaraystay wadahadaladii labada dhinac ee qaramada midoobay hormoodka ka ahayd.

Madaxweynaha xukuumadda Yemen ee Qaramada Midoobay iyo Xulufada Sucuudigu aqoonsan yihiin, ayaa masaafuris ku jooga dalka Sucuudiga, kaddib markii sanado ka hor ay Malayshiyada Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Ciidanka Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax qabsadeen magaalada caasimada ee 20 January 2015, Yemen, isla markaana ku khasbeen inay is casilaan xukuumadda Cabdirabo Mansoor Al-Haadi oo ku dhawaaqay in xukuumaddiisu is casisashay, iyadoo muddo kaddibna kala diray Baarlamaankii dalka.

Xukuumadda Sucuudiga iyo xulufada ay hogaaminay oo weerraro duqaymo ah ka waday dalkaa labadii sanadood ee u danbeeyay, ayaa dhowaan hakiyay duqaymaha dhinaca circa, kaddib markii canbaarayn caalami ah loo jeediyay. Iyadoo aanay waxba iska bedelin xaalada sii xumaanay ee dalka Yemen,
Dalka Yemen oo noqday goob dagaal oo ay ku loolamaan Sucuudiga oo xulufo la ah dalalka Khaliijka iyo dalka Iran oo taageera xuutiyiinta ay Cali Cabdale xulufada yihiin, wuxuu soo waajahay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo dhinaca amniga ah mudadii uu duqaynta ka waday gudaha dalka Yemen.\
Dhinacyada siyaasadaha ku loolamaya ee iskaga soo horjeeda Dalka Yemen, ayaa sii murgiyay xaalada dalka, iyadoo aanay muuqan waxa natiijo ah oo laga gaadhay dagaalka Yemen, isla markaana aanay jirin rajo laga qabo in xaalada dalka Yemen aanay wax iska bedeli, isla markaana dagaalka iyo duqaymaha socdaa ee diyaaradaha xulufada Sucuudigu sababeen dhimashada kumanaan qof oo u badan Caruur iyo Haween iyo kumanaan qoxooti ugu baxay dalalka Bariga Afrika.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post