X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xiisadda Siyaasadeed Saamaysay Dhoofka Xoolaha Soomaalida

Xasan Sheekh

“Wuxuu Baaqyo u kala Diray Somaliland iyo Soomaaliya”

Muqdisho(ANN)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wakhtigan hoggaamiya mid ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya ka jira, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaanay siyaasadayn waxyaabaha nolosha bulshada taabanaya, halka uu Somaliland iyo Shacabkeedana ugu baaqay inay is-badh-qabtaan.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Shabakadda Facebook, oo uu kaga hadlay sida uu u arko Markabka xoolaha ka qaaday dekedda Berbera ee lagu xannibay dekadda magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, iyadoo Shuruud kaga dhigay inaan la rogayn mar haddaanu sidan shahaadada caafimaadka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha federaalka Soomaaliya, taas oo ay Somaliland-na diidday inaanay xooleheeda ku dhoofin doonin.

“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay Markabka ay saaran yihiin 20-ka kun ee neef ee adhiga ah ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo Xoolaha.

Waa wax ay ka madhan tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanaya nolosha muwaaddinka caadiga ah, gaar ahaan arrinka markabkani, waxa uu si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbeddelka Cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Soomaaliya waxaan ku boorrinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland-na waxaan leeyahay “Sii jirtaaba masii jirto” ee idinkuna isxakameeya.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay xiisadda dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaliya oo gaadhay in xoolaha ugu badan ee Soomaalidu dhinaca Sucuudiga xilliga Xajka u diri jirtay la geliyo carqalad siyaasadeed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post