X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Faransiiska Sarkozy Oo Saldhiga Booliska Loo Qaaday

Araweelo News Network

Paris(ANN)-Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo  qaaday saldhig  Boolis si su’aalo looga waydiiyo eedaymo sheegaya in uu dhaqaale uu ku Oleleeyay doorashadii uu ku guulaystay ee 2007′, ka qaatay Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qaddafi.

Booliisk, ayaa baadhaya jiritaanka inuu dhaqaale badan xiligaa ka qaatay Mucammar Qadafi oo waqtigaa ka talinayay dalka Liibiya.

 

Booliiska, ayaa hore su’aalo u waydiiyay. Alexandre Djouhri oo kaaliye u ahaana Sarkozy, waxaana dhawaan  lagu xidhay magaalada London, iyadoo xadhigiisa lala xudhiidhinayo arrimahaa.

Sarkozy ayaa ku guuldarraystay in uu awoodda xukunka dalka Faransiiska kusoo laabto sannadkii 2012kii.

saraakiil waaxda caddaaladda ka tirsan ayaa sheegay in su’aalo lagu waydiiyay deegaanka Nanterre, oo ka tirsan magaalada Paris.

Sannadkii 2013kii Faransiiska ayaa billaabay baadhitaan ka dhan ah eedaymo sheegaya in uu Ololihii doorashada u adeegsaday dhaqaale sharcidarro ah oo laga helay Qaddaafi. Laakiin Sarkozy wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Booliska ayaa su’aalo arrimahaa la xidhiidha weydiiyay Brice Hortefeux oo  ka tirsanaa golihii wasiirrada ee xiligii Sarkozy,

Eedaymahan ayaa ka imanaya Ziad Takieddine oo ah ganacsade Lubnaaniis ah oo haysta dhalashada Faransiiska iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii hore dawladdii Gaddafi.

sidoo kale qaar ka mid ah Qoyska hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucammar Qadaafi, ayaa hore ugu eedeeyay Sarkozy inuu dhaqaale uu ku galay doorashadii 2007 ka qaatay Qadaafi.

Sarkozy, ayaa ahaa hoggaamiyihii u horeeyay ee xulufada reer galbeedka ee duqaynta dhinaca Cirka ah ku qaaday Xukuumaddii Qadaafi, kaas oo markii danbe kooxo malayshiyo ah oo kacdoon ka waday dalka gacanta ku dhigeen,Isla markaana khaarajiyeen October  2011.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post