X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Faransiiska Oo Ku Calaacalay Inuu Cadaaban Yahay Kadib Dacwada Fadeexada Ah Ee Baadhisteedu Ku Socoto

Araweelo News Network

Sarkozy markii uu madaxweynaha noqday wuxuu heshiisyo waawayn oo ganacsi  la galay Madaxweynihii hore ee Liibiya Qadafi 2007dii

Paris(ANN)-Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in ay noloshiisa galiyeen “cadaab” eedaymaha loo haysto ee ku saabsan in lacagihii uu u adeegsaday doorashada uu ka helay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qadafi.

“Waxaa la igu eedeeyay wax aan caddayn loo haynin,” ayuu garsooreyaasha ku ydhi Sarkozy oo la dul dhigay baadhitaan rasmi ah, sida uu ku warramay wargayska Le Figaro oo ka mid ah Wargeysyada ugu caansan dalka Faransiiska.

 

Sarkozy, ayaa maalmihii lasoo dhaafay Boolisku u qaateen Saldhig Boolis waxaana la baadhayaa in uu sameeyay ol’ole doorasho oo sharci darro ah sannadku markuu ahaa 2007-dii, Iyo inuu sixun u isticmaalay dhaqaale ay dawladda Liibiya lahayd oo laaluush ahaan uu u aqbalay  balse Sarkozy oo 63 jir ah ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Siyaasigan oo ay aragtidiisu tahay midig dhexe.  ayaa la siidaayay Arbacadii ka dib markii labo maalmood su’aalo la waydiinayay, wuxuuna sheegay in dadka reer Liibiya ee dacwaynaya ay ka aargoosanayaan maadaama uu amray in diyaaradaha dagaalka ee Faransiisku ay garaacaan Liibiya intii lagu gudo jiray kacdoonkii Qadaafi xilka lagaga tuuray sannadkii 2011kii.

 

Brice Hortefeux oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee Sarkozy oo xulafo dhawna la’ahaa madaxweynaha ayaa isna lagu warramay in booliisku ay su’aalo waydiiyeen maalintii shalay, iyadoo ay jiraan saraakiil kale oo baadhitaankaa su’aalo lagu weydiiyay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post