X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan, Al-Bashiir Oo Gurigiisa Laga Helay Malaayiin Dollar

Omar Al Bashiir

Khartoum(ANN)-Xeer Ilaaliyaha Dalka Suudaan, oo dacwad ku ooayaa Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan, Cumar Al-Bashiir, ayaa sheegay in baadhitaanka kiiska Madaxweynihii hore oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Baadhitaanka ay wadaan guddi la dagaalama musuqmaasuqa oo uu sameeyay goblaha milateriga, ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, dollar iyo pound-ka lacagta Suudaan isugu jira oo ka badan 130 milyan oo dollar.

Waxaana lacagtaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Dalka Suudaan, sida ay sheegeen Millateriga Dalka la wareegay.

Mr al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor, waxa galaaftay dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday oo dhawr Bilood ka socday Dalka, kuwaas oo sababay in Millaterigu xukunka la wareegaan.

Al-Bashiir waxaa hore u raadinaysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.

Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir

Wasiirka Gaashaandhigga ee Suudaan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Dhanka kale Cawad wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post