X

Madaxweynihii Georgia Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Madaxweynihii hore ee Georgia Mikheil Saakashvili, Image file Araweelo News Network 1 Oct 2021.

Araweelo News Network.

 

#Tbilisi (ANN)-Xukuumadda Dalka Georgia, ayaa xabsiga u taxaabtay Madaxweynihii hore ee dalkaa Mikheil Saakashvili, kaddib markii uu kusoo gura noqday dalka, isagoo musaafuris u joogay dalka Ukraine.

 

 

Mikheil Saakashvili, waxa la xidhay Jimcihii, isagoo kusoo noqday dalkiisa kaddib siddeed sano oo dibad joog ah, waxayna soo laabashadiisa iyo xadhigiisu kusoo beegmeen, iyadoo ay dalka Georgia maalin ka hor ay ka bilaabmayaan doorashooyinka muhiimka ah ee dowladda hoose ee Georgia.

Ra’iisal wasaare Irakli Garibashvili, ayaa xaqiijiyay xadhiga Madaxweynihii hore ee Georgia Mikheil Saakashvili, balse ma uu faahfaahin sababta xadhigiisa, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaa.

Mikheil Saakashvili oo ahaa siyaasi caan ah, ayaa la xukumay isagoo maqan, wuxuuna sannadihii u dambeeyayna ku noolaa dalka Ukraine, balse markii uu ku baahiyay bartiisa Facebook inuu dalka ku soo laabtay, ayaa xabsiga la dhigay.

 

Lam ogga in socdaalkiisu la xidhiidho Mr. Saakashvili doorashooyinka dowladdaha hoose ee Sabtida oo muhiim u noqon kara qaab -dhismeedka siyaasadeed ee dalka Georgia.

 

Dalka Georgia waa waddan ku yaal isgoyska Bariga Yurub iyo Galbeedka Aasiya. Waa qayb ka mid ah gobolka Caucasus, oo ay ku xidhan tahay galbeedka xeebta Badda Madow waxayna xuduud la leedahay waqooyi iyo waqooyi -bari Ruushka, dhanka koonfureedna Turkiga iyo Armenia, iyo koonfur -bari Azerbaijan.

Sidaa awgeed waa dal istiraatiijiyad amhiyad weyn u leh aduunka ku yaal, isla markaana dalka Georgia, ayaa ka mid ahaa dalalkii laysku idhan jiray Daaha-birta ah ee Midawgii Soofiyeeti xudunta u ahaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post