X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Dalka Chad Oo Ku Baxay Gacanta Cadawgiisa Kadib Guushii Doorashada

Chadian President Idriss Déby Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network

#Millateriga Oo Wiilkiisu Hoggaaminayo ayaa Xukunka La wareegay

3Chad, #N’Djamena (ANN)-Madaxweynihii Dalka Chad,#Idriss #Déby oo ku guuleystey markii lixaad doorashooyinka dalka, ayaa geeriyooday maalin kadib natiijada guusha doorashada ee 79.3%, kuwaas oo ahaa natiijooyinkii ugu dambeeyay ee kumeelgaadhka ahaa Isniintii.

 

Sida laga soo xigtay warar lagu xaqiijiyay geerida Madaxweynaha oo ciidanka qaranka ee Chad kasoo baxay, isla markaana  laga akhriyay telefishanka qaranka, Madaxweynaha cusub ee dib loo doortay Idriss Déby wuxuu u dhintay dhaawacyo soo gaadhay isaga oo amraya ciidankiisa dagaallada ka dhanka ah fallaagada woqooyiga oo todobaadkan soo weeraray dalka.

Wareysiga uu siiyay Radio-France Internationale, Mahamat Mahadi Ali, hogaamiyaha fallaagada, Déby wuxuu kaqayb galay dagaalka Axadii iyo Isniinta (18 iyo 19-kii Abriil), halkaas oo dagaal uu kasocday badhtamaha-galbeed ee dalka, agagaarka Nokou ee Kanem . Déby ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay goobtii dagaalka ee Axadii, ka dibna waxaa loo qaaday caasimada 400km,  waxaana dhaawaciisa lagu qaaday diyaaarad Helikobtar ah.

 

Sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka, Général Azem Bemrandoua Agouna, militariga waxaa gadaal ka riixayay koox ka mid ah falaagada oo ku sii siqayay caasimada, N’Djamena, taas oo sababtay in Madaxweynu tago deeggaankaa.

warbixin, ayaa sheegtay in askarta Chad ay soo weerrareen maleeshiyo ka tirsan Jabhadda(Front for Change and Concord in Chad) kuwaas oo ka yimid xaruntooda Liibiya isla markaana soo galay ciida Chad.  Bishii April, isla markaana sida lasoo weriyay hadafkoodu ahaa inay ka takhalusaanxukunka Madaxweyne  Idriss Déby oo dalka Chad xumayay  31-kii sano ee u danbeeyay, isla markaana markii lixaad doorashooyinka natiijadooda loogu dhawaaqay.

 

 

Idriss Déby, ayaa la filayay inuu khudbad guul ah jeediyo kadib markii uu helay natiijooyinka ku meel gaadhka ahaa, laakiin wuxuu doorbiday inuu booqdo askarta Chad ee jiida hore, ayuu yidhi, agaasimihiisa ololaha Mahamat Zen Bada.

 

 

Gebi ahaanba waxa la laalay dastuurka dalka, waxaana xukunka si ku meel gaadh ah ula wareegay Golle milatari, iyada oo uu hoggaamin doono General Mahamat Kaka, oo loo yaqaan Mahamat Idriss Déby Itno, ina Idriss.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post