X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Dalka Burkina Faaso Oo Xilka Iskaga Degey Kadib Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Ka bilaabmay Dalkaa

Ouagadougou(ANN)  Ciidamada Qalabka sida ee Milateriga Dalka Burkina Faaso, ayaa xukunka la wareegay kadib markii Madaxweynaha Bukrina Faso, Blaise Compaore  xilka iskaga degey.

Xaalada Dalkaa, ayaa kacsan labadii maalmood ee u danbeeyay. kadib markii dad cadhaysan oo mudaharaadayay la wareegeen xarunta Baarlamaanka, Telefishanka  iyo goobo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay dab qabadsiiyeen.

Milateriga ayaa xukunka la wareegay, balse taasi xaalada waxba kama bedelin, waxaana weli socda mudaharaadyo rabshado wata oo kusii fidaya inta 17-ka gobol ee dalku ka koobanyahay.

Madaxweynaha xukunka ka degay, ayaa talada dalkaa inqilaab ku qabsaday 1987, wuxuuna markaa ka dib qabtay doorashooyin magac u yaal ahaa, kuwaas oo uu ku shubtay, waqtigana wuxuu doonayay in Dastuurka wax laga bedelo si uu xukunka ugu soo laabto.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post