X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Carbeed Ee U Horreeyay Ee Booqda Dimishiq Muddo Todoba Sannadood Ah

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo Dimishiq kusoo dhoweeyay Cumar Xasan Al-bashiir 17 Dec, 2018.


Dimishiq(ANN)-Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, ayaa si lama filaan ah booqasho ugu tegey maanta magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha.

Hoggaaminayo Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir iyo wefdigiisa, waxa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, waxaana la arkayay Warbaahinta oo soo bandhigtay labada madaxweyne oo si kal iyo laab ah isu salaamaya, iyadoo Madaxweyne Al-bashiir loo sii galbiyay madaxtooyada uu magaalada Dimishiq ka deganyahay Bashaar Al-Asad.

Shira jaraa’id oo wadajir ay u qabteen Al-Asad iyo Al-bashiir, waxay ku sheegeen in xidhiidhka labada dowladood ay sii xoojin doonaan, islamarkaana ay si mideysan ay uga wada shaqeyn doonaan xoojinta cilaaqaadka labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in nidaamka Bashaar uu la kulmay shirqoollo badan, balse uu adkeystay, lana gaadhay waqtigii shacabka Suuriya ay go’aan ka gaadhi lahaayeen masiirkooda, wuxuu dhawaaqa Al-bashiir u muuqday fariin ku socota dalalka reer galbeedka iyo is bahaysiga carabta ee mudada dheer dagaalka kula jiray sidii Bashaar Al-Asad meesha looga saari lahaa, balse ku guuldaraystay.

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad, ayaa sheegay in dowlado badan oo carbeed ay isku dayeen inay maquuniyaan jiritaanka nidaamkiisa iyo burburinta dalkiisa, balse iyagu ay weli aaminsanyihiin wuxuu ugu yeedhay carabnimada.

Al-Bashir, ayaa noqonaya hoggaamiyihii carbeed ee u horreeyay ee booqda Dimishiq, tan iyo markii dagaalku ka bilaabmay dalka Suuriya sannadkii 2011, waxayna booqashadiisu u muuqataa mid macne weyn ugu fadhida Bashaar Al-asad, basle waxa muuqata in aanay dalalka kasoo hojeeda siyaasada xukunka Bashaar Al-Asad iyo kuwo carbeedba ku farxayn booqashadiisaa.
Madaxweynaha Dalka Suudaan Al-Bashir, waxa horre Maraykanku u saaray cunaqabatayn, iyadoo safaradiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa dibeddu ahaayeen kuwo kooban, isla markaana marar horre oo shirar aan ka baxsanayn Afrika uu ka qaybgalay murran ka dhashay, kadib markii dalka South africa lagu war geliyay inay qabtaan Al-Bashiir oo Maxkamadda Denbiyada dagaalku raadinay,  balse dalka South Afrika, ayaa arrintaa ganafka ku dhuftay, waxaana dhowaan Madaxweyne Trump sheegay in laga qaaday cunaqabatayntii ay saareen dalka Suudaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post