Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh (Midig) iyo Cali Kahliif Galaydh (Bidix)  kulan ka dhacay Villa Somalia By. Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh (Midig) iyo Cali Kahliif Galaydh (Bidix) kulan ka dhacay Villa Somalia By. Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan hoose kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Villa Somalia Cali Khaliif Galaydh oo sheegta Hoggaamiyaha maamulka dibad-wareega ah ee la baxay Khaatumo iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Bariga gobolka Sanaag ee Somalialnd.

lama ogga waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali Galaydh iyo xubnaha weheliyaa, balse warar shebekadda wararka Araweelo News Network heshay, ayaa sheegayaa in kulankaa lagaga hadlay arrimo ka dhan ah qaranimada jiritaanka iyo midnimada Somaliland, iyadoo kooxda Cali Khaliif oo hore marar baddan u sheegay inuu quus ka taagan yahay taageero aqoonsi oo maamulkiisa ay siiyaan dawlada taagta daran ee Somalia uu xiliggan ka helay dhega nuglaan, taas oo keentay in uu la kulamo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay si hoose ugu kulmeen Madaxtooyadda Villa somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ku qaabilay Villa Somalia Cali Khaliif iyo koox la socotay, By Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ku qaabilay Villa Somalia Cali Khaliif iyo koox la socotay, By Araweelo News Network

Wararka la xidhiidha arrimahaa, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan sheekh ku qanciyay Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta la socday ee kasoo jeeda bariga Somaliland inay midoobaan si dawlada Federaalku ugu aqoonsato maamul goboleed, taas oo ay soo dhoweeyeen Cali Khaliif iyo xubnaha la socday.

sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidha kulankaasi sheegayaan in arrimaha kulanka lagu soo qaaday ay ka mid ahaayeen in diiwaangelinta Somaliland ka wado deegaamadaa aan la aqbalin si aanay doorashooyinka soo socda ee Somaliland uga qabsoomin, taas oo ay sheegeen inay dhantaalay siyaasada xukuumadda Federaalka iyo qorshaha ay ku doonayaan kooxda Cali Khaliif maamul goboleed sida maamulada kale ee ka jira Somalia.

Kulanka, ayaa la sheegayaa inay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Urur goboleedka IGAD iyo Dublamaasiyiin kale oo aanay ilaha aan ka helay warkaa xusin magacyadooda, waxaana ugu danbayntii loo balamay in dhinaca Magaalada Buuhoodle ay kulan isugu yimaadaan Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Bariga Sanaag.

Arrimahan, ayaa kusoo beegmay xili ay Xukuumadda Somaliland shaacisay in deegamada Somaliland laga samaynayo diiwaan gelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380