X
    Categories: Warar

Madaxweyne Xaaskiisa Ka Dhigtay Madaxweyne Ku Xigeen

Araweelo News Network

Madaxweyne Ilham Aliyev iyo xaaskiisa Mehriban Aliyeva


Baku- Azerbaijan (ANN)-Madaxweynaha Dalka Azerbaijan ee Koonfur Bari Aasiya (Southwest Asia) Mr. Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa oo lagu magcaabo Mehriban u magacaabay xilka Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Magcaabista Madaxweynuhu xaaskiisa u magcaabay inay noqoto Madaxweyne ku xigeenkiisa oo warbaahinta dunida soo jiidatay, waxa sidoo kale lagu shaaciyay maanta bogga Madaxtooyadda Azerbaijan ku leedahay Internetka, iyadoo tallaabda Madaxweyne ILham Aliyey layaab ku noqotay mucaaradka xukuumadda.

Madaxweyne Ilham Aliyev, ayaa talada dalka la wareegay sannadkii 2003, kadib markii uu dhaxlay Aabihii oo muddo dheer dalkaa oo ka mid ahaa Midawgii Soofiyeeti(Soviet Union)xukumayay, iyadoo aanu hore u jirin Madaxweyne ku xigeen, balse afti dastuur oo laga qaaday dalka September-tii lasoo dhaafay, waxa lagu ogolaaday in la dalku yeesho Madaxweyne ku xigeen iyo in mudada xilka Madaxweynuhu noqonay toddoba sannadood.

Magcaabista uu xilkaa u magcaabay xaaskiisa, ayaa u muuqta mid uu doonayo inuu kusii xoojiyo awooddiisa iyo inuu xukunka kusii haysto qoyskiisu, iyadoo dalkaasi Azerbaijan qani ku yahay saliidda.
Ilham Aliyev, waa 55 jir, iyadoo haweenaydiisa uu xilka Madaxweyne ku xigeenka u magcaabay ee Mehriban Aliyeva dadeedu tahay 52 jir, oo ku takhasusutay Caafimaadka ka mid ahayd xildhibaanada dalka.
Madaxweyne Ilham Aliyev, wuxuu guursaday Mehriban Aliyeva, iyadoo 19 jir, 1983, waxayna leeyihiin saddex caruur ah, iyadoo haweenayda Mehriban uu dhalay Maalqabeen u dhashay dalkaa.
Haeenayda uu ninkeedu ka dhigtay Madaxweyne ku xigeenka, waxay leedahay Hay’ad lagu magacaabo Heydar Aliyey, waxayna inta badan warbaahinta dowladda ee dalkaasi tilmaamaan in qoyska dalka maamula ku talaabsadaan arrimo musuq-maasuq.
Dhinaca kale Ururada u ololeeya xuquuqda Aadamaha, ayaa qoyska Madaxweyne Ilham Aliyev ee talada dalka Azerbaijan maamula ku eedeeya musuqmaasuq, xukuumadda ayaa beenisa eedahaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post