X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxii Hay’adda FBI-da Iyo Dood Ka Dhalatay Qaabka Xilka Looga Qaaday

Araweelo News Network


Washington(ANN)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday madaxii Hay’adda dambibaadhista ee FBI-da, James Comey.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu go’aankiisa ku saleeyey talooyin uu ka helay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions iyo ku xigeenkiisa.

Go’aanka Madaxweyne Donald Trump xilka kaga qaaday James Comey, ayaa soo baxay ka dib markii madaxii Hay’adda FBI, Mr. Comey uu macluumaad khaldan oo ku saabsan baadhitaannada Emailda Clinton uu la wadaaagay koongareeska Mareykanka.

Warqadda uu xilka kaga qaaday ee loo diray madaxii Hay’adda FBI, Mr, Comey ayaa madaxweyne Trump ugu sheegay in uu ku guul darraystay in uu si haboon u hoggaamiyo hay’adda FBI-da, isla markaana ay lagama maarmaan u tahay in hoggaan cusub loo helo hay’adda si loo soo celiyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay hawlaheeda muhiimka ah ee ilaalinta sharciga ah.

Haseyeeshee xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in xil ka qaadista Mr. Comey ay salka ku hayso baadhitaanka xidhiidh sida la sheegay dhex maray sannadkii hore Ruushka iyo xubna la mid ah xiligii uu socday ololahii Trump.

Hoggaamiyaha xildhibaanada Senate-ka kaga jira xisbiga dimuqraadiga, Chuck Schumer, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid welwel dhalin karta.

Aqalka Cad wuxuu sheegay inuu billaabay baadigoobka qofkii bedali lahaa Comey.

Waa markii labaad oo xil ka qaadis lagu sameeyo agaasime hay’adda FBI-da isagoon xilligiisa dhameysan mudadii ay jirtay xukuumadda Trump.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post