X

Madaxweyne Trump Oo Soomaalida Kula Dhacay Cadhadii Uu Ka Qaaday Maamuus Ka Xayuubinta Iyo Doorashadii Lagaga Guulaystay

Araweelo News Network.

 

Minnesota(ANN)-Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Donald Trump, ayaa cadhada uu ka qaaday doorashada laga guulaystay kula dhacay Soomaalida aan weli helin sharciga eek u sugan dalka.

Trump, ayaa qalinka ku duugay in dalka laga masaafuriyo Soomaali badan oo dhawr kun ah tan iyo markii uu xukunka la wareegay dhawr sanadood ka hor., waxaana dad ka badan 70 Qof oo Soomaali ah lagu soo daabulay diyaarad, kuwaas oo laga soo duuliyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xukuumadda Madaxweyne Trump, ayaa go’aamisay in dadkaa dib loogu celiyo Soomaaliya kaddib markii lagu helay eedeymo kala duwan, iyadoo qaarkood xabsiyo ku jireen muddo dheer, waxayna qayb ka yihiin dhawr kun oo Madaxweyne Trump hore u go’aamiyay in la masaafuriyo.

Dadkaan ayaa laga soo dejin doona Garoonka Diyaaraddaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana markaa  kaddib loo gudbin doona magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Maamulka Maraykanka ee Trump, ayaan weli si dhab ah u shaacin sababta rasmiga ee dadkaasi lasoo masoo furiyay iyo rag iyo dumar waxa ay kala yihiin.

Balse tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee xilligiisu dhamaaday, waxaa Soomaaliya dib loogu celiyay oo la masaafuriyay boqollaal Soomaali ah, kuwaas oo xaaladdo kala duwan ku sugnaa.

Waxayna tirada hadda la masaafuriyay kusoo beegantay, iyadoo Afar maalmood ka hadheen munaasibada xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee Joe Biden xilka kula wareegayo.

Waxa xusid mudan in xil ka qaadista Kongareska Maraykanka ee xilligan ay soo jeedisay Ilhan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, isla markaana ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto Minnesota, waxayna Ilahan dhuunta u gashay Trump oo marar badan ay ku eedaysay inuu yahay Madaxweyne cunsuriyad ka buuxdo oo beenaale ah, isla markaana uu khatar ku yahay Maraykanka iyo dunida kaleba, iyadoo Ilahan noqotay xidlhibaanka ugu dooda kulul ee Madaxweyne Trump ay marar badan warbaahinta isku weerareen.

Ilhan Cumar, ayaa markii tageerayaasha Trump soo weerareen 6 jan aqalka Capitol waxay markiiba barteeda Twitter ku shaacisay in mudada yare e u hadhay Trump aan la aamini karin inta ka dhadhay xil wareejinta xaflada caleemasaarka Madaxweynaha cusub sidaa awgeed xafiiska laga saaro, waxayna soo jeedintaasi noqotay mid meel martay.

“Waxaan weydiisanay inaan indhaha ka qarsan dembiyada, musuqmaasuqa iyo tixgalinta qaanuunka sharciga ee madaxweynaha daalinka ah ee aan ku leenahay Aqalka Cad. Annaga ka ummad ahaan hadda kaddib kama sii jeesan karno.” Ayay tidhi. Ilahan Cumar oo noqotay shamac ka iftiimaya aqalka kongareska Maraykanka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post