X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Laga Gudbiyay Dacwad

Washington(ANN)-Xeer-ilaaliyaasha 16 Gobol oo Maraykanka ah, ayaa dacwad ka gudbiyay Madaxweyne Trump, iyagoo dalbanaya in magdhaw laga siiyo dhibaatada kasoo gaadhay xaalada deg dega ah ee uu kusoo roggay dalka.

 Xeer ilaaliyaha gobolka California oo hogaaminaya dacwadaa oo ay xeer Ilaaliyaashu u gudbiyeen Maxakamadda Federaalka gobolka California, waxay dacwadooda ku sheegeen16 –ka gobol in magdhow uu ka siiyo Madaxweyne Donald Trump dhawaaqiddiisii xaaladda deg degga  ah oo ay sheegeen mid ku doonayo si uu dhaqaale ugu helo gidaarka uu doonaayo in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Sidoo kale Gobolada  ayaa madaxweynaha Mareykanka iyo maamulkiisa ku eedeynaya in xaaladda deg deg ah ee uu ku dhawaaqey ay sharci daro tahay, isla markaana dhibaato soo gaadhsiinayso gobolladaa iyo dadka ku nool.

Waxa kale oo ay ku sheegeen eedeynaaya madaxweynaha xaaladda deg degga ah ee ku dhawaaqay ay keeneyso in uu dhaqaale ka qaato mashaariicda la dagaalka maandooriyeyaasha, dhismayaasha xoogga dalka iyo hay’ado kale oo fulinta amniga ka tirsan.

Arrinta Madaxweyne Trump, ku doodayo ee dhismaha gidaarka xadka dhinaca Mexico, ayaa si weyn saamayn ugu yeelatay in ka baddan 800,000 qof oo shaqaalaha Federaalka ah, kuwaas oo waayay mushaharooyinkoodii, waxayna arrintan khilaaf weyn ka dhex abuurtay Madaxweynaha iyo golaha wakiiladda oo xisbiga Dumuqraadigu ku guulaystay doorashadii dhowaan dhacday, iyadoo Madaxweyne Trump xilligan loo qorshaynayo Khiyaamo qaran, taas oo ay suurta gal tahay in uu xilkiisa ku waayo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post