X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Ku Faanay Inuu Ka Caqli Badanyahay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

Araweelo News Network

US President Donald Trump

Kismaayo(ANN)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,  ayaa ku faanay in uu ka caqli badanyahay xoghayihiisa arrimaha dibadda Rex Tillerson, mana aha  markii ugu horeysay ee uu sheegto Trump in uu yahay Nin caqli badnan, sanadkii 2013-kii ayuu sheegay in uu aad uga caqli badanyahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo  Madaxweynihii ka horeeyay ee George W Bush.

 

Sidoo kale, wuxuu Trump sheegay in uu ka caqli badanyahay majaajiliistaha caanka ah Jon Steward iyo jilaaga Lord Sugar ee u dhashay Britain, kaas oo jilli jiray barnaamijkii The Apprentice ee taleefishinka uu ka daadihin jiray Trump ka hor intii aanu noqon Madaxweynaha Maraykanka, Balse Trump ma sheegin inta uu la’egyahay caqligiisu.

Halbeegga caqliga Aadamaha lagu cabiro ee loo yaqaano IQ,  ayaa lagu qiimeeyaa inta uu la’egyahay qofka garaadkiisa marka  uu ka qeybqaato tijaabo su’aalo lagu weeydiinayo, waxayna ku xidhantahay sida hufan ee deg-dega badan ee uu qofku uga jawaabo su’aalaha la weydiiyo.

 

Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Frank Lawlis oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, tijaabooyinka qofka laga qaado,  ayaa lagu qiimeeyaa sida uu jawaabaha u soxo iyo waliba sida uu hadalka u helo.

 

Tusaale ahaan su’aalaha la weydiiyo dadka la doonayo in la ogaado garaadkooda, ama caqligooda, waxaa ka mid ah tan hoos ku qoran.

 

Jane ayaa booqatay Jill. Jane waa gabadha kaliya ee ay dhashay gabadha uu dhalay ninka qaba islaanta sodohda u ah ninka Jane. Haddaba waa maxay isu yihiin Jane iyo Jill?

 

Dr Barbara A Perry oo madax ka ah kulyadda daraasaadka madaxweynayaasha ee jaamacadda Virginia ayaa sheegtay in aanay waligeed arag wax la diiwaangaliyay oo muujinaya heerarka caqliga Madaxweynayaasha taariikhdooda ay taalo kulyadeeda.

 

Balse waxa ay sheegtay in ay aragtay diiwaanka madaxweynayaasha helay abaalmarinta Phi Beta Kappa oo la siiyo dadka ugu garaadka fiican, heerka sare ka gaadhay aqoonta.

Madaxweynayaashii Hore

Phi Beta Kappa waxaa la asaasay sanadkii 1776-dii, waxaana lagu abaalmariyaa Ardayda shahaadada koowaad ka qaatay 286-da jaamacadood ee Maraykanka, kuwaas oo darajooyinka sareeya ka heley waxbarashada.

 

44tii madaxweyne ee Maraykanka soo maray, 17 ka mid ah ayaa helay abaalmarintaa, waxaana ugu dambeeyay oo helay  Bill Clinton, George W Bush, iyo Jimmu Carter.

 

Dr Perry ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka midyihiin madaxweyne Herbert Hoover oo ahaa seynisyahan caan ah, Woodrow Wilson oo ahaa madaxweynaha kaliya ee Maraykanka ee haystay shahaadada PhD-ga, iyo William H Taft oo ahaa garyaqaan heersare ah.

 

Liiskaasi kuma jiro Donald Trump si ka duwan sida uu isaga sheeganayo ayay tidhi, waxayna  intaa raacisay Dr Perry in garaadku aanu  ahayn ka kaliye ee lagu noqdo madaxweyne fiican,mararka qaarkood dabeecadda wanaagsan ay ka habboontahay caqliga.

 

“Xaakimkii maxkamadda sare Oliver Wendell Holmes ayuu ahaa ninkii yidhi Madaxweyne Franklin Delano Roosevelt caqligiisa waa ka darajada labaad, balse dabeecadiisa waa darajada koowaad” ayay intaa ku dartay. “Sidaa oo ay tahay Roosevelt waxaa doortay wax ka badan saddex meelood labo meelood ergada” ayay intaas sii raacisay.

 

Professor Fred I Greenstein oo culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Princeton ayaa soo taxay 6 astaamood oo uu sheegay in lagu qiyaasi karo tayooyinka madaxweyne uu leeyahay.

 

Waxay kala yihiin xidhiidhka bulshada, awoodda agaasinka, xirfadda siyaasadeed, aragtida fog, garashada hufan iyo dareenka maskaxeed.

 

Dr Perry ayaa sheegtay in Trump uu ku liito 4 ka mid ah astaamahaas lixda ah.

 

Si kasta oo uu caqliga Trump u badanyahay ama u yaryahay taas micnaheedu ma aha in uu ku guuleysan karo tijaabada IQ-ga sida uu qabo Dr Lawlis oo yidhi “Xitaa dadka aan qabno in ay ugu caqliga badanyihiin sida Einstein oo kale waxaa laga yaabaa in aanay ku guulaysan tijaabada IQ-ga, sababtoo ah waxa ay ka fikaan wax maskaxdeena ka taloowsan”.

 

“Waxaa laga yaabaa in uu dhawr jaawaabood ka fikiro marka hal su’aal la weeydiiyo” ayuu intaas raaciyay.

 

Mensa oo ah hay’adda u xilsaaran tijaabooyinka halbeegga caqliga ayaa Trump ku marti qaaday in la miisaamo caqligiisa si loo caddeeyo in uu ka caqli badanyahay Tillerson.

 

Phi Beta Kappa waxaa la asaasay sanadkii 1776-dii, waxaana lagu abaalmariyaa ardayda shahaadada koowaad ka qaatay 286-da jaamacadood ee Maraykanka, kuwaas oo darajooyinka sareeya ka heley waxbarashada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post