X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Sii Daynta Baadariga Sida Weyn Usii Holciyay Xiisada Dublamaasiyadeed Ee Maraykanka Iyo Turkiga

Madaxweyne Trump iyo baadariga la sii daayey Aqalka Cad ku qaabilay. Reuters

 

Washington(ANN)-Madaxweyne Trump oo Guriga Cad ku qaabilay baadariga ay Dawladda Turkigu sii deysay. Mr. Andrew Brunson, oo muddo laba sanadood ah ku jiray xabsi ku yaal dalka Turkiga, balse Jimcihii laga sii daayey, ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay xoriyadiisa ugu soo celisay muwaadinkaa.

Madaxweyne Trump oo ay wada fadhiyaan Mr. Andrew Brunson, ayaa ku tilmaamay go’aankaa jeelka lagaga sii daayey Brunson mid muhiim ah oo wanaajin doona xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Ankara, wuxuuna amaan u jeediyay Turkiga oo ku tilmaamay dad xadaarad fac weyn leh.

Madaxweyne Trump oo hadal ka jeediyay halkaa, ayaa sheegay in aan wax shuruud ah lagu xidhin sii daynta baadarigaa, wuxuuna xusay in uu ugu mahadnaqayo madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, oo uu sheegay in uu dedaal u galay siidaynta Brunson.

Madaxweyne Trump ayaa soo dhaweeyay siideynta badarigaas waxaanu sheegay markii warkaasi soo baxay in sida ugu dhakhsaha badan uu ugu noqon doono dalkiisa

Xadhigga baadariga ayaa xumeeyay xidhiidhka Mareykanka iyo Turkiga, waxaana uu sabay in xiisaddu gaadho in labada dal mid ba ka kale badeecadaha uu u dhoofiyo uu cashuur dheeraad ah saaro.

Brunson waxaa lagu eedeeyay inuu taageerayay kooxo Turkigu ku sifeeyo argagixoso oo uu ku eedeeyey in ay maleegeen af-gembigii dhicisoobay 2016-kii, eedahaas oo baadarigu mar kasta beeninayey.

Hase yeeshee madaxweynaha Turkiga ayaa isagu sheegay in qaraarka lagu sii daayey baadarigaa Maraykanka ahi ahaa go’aan maxkamadeed oo madax bannaan, iyadoo dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ka codsaday Ankara in la sii daayo maxaabiis kale oo Mareykan ah, kuwaas oo ku xidhan Turkiga.

Baadarigii Mareykanka u dhashay Andrew Brunson oo Turkigu sii daayay, ayaa hore Maxkamadda Turkiga ugu xukuntay xadhing saddex sanadood ah, laakiin waxa xabsiga laga sii daayey iyadoo la tixgelinayo mudadii uu rumaanka u xidhaa, isla mrkaana waxay maxkamaddu laashay eedihi hore ee lagu helay ee ahaa in uu basaasayey dalka Turkiga.

William Devlin, oo ah baadari degan New York oo u ololaynayey sii daynta Andrew Brunson ayaa isaguna ku sugnaa maxkamadda magaalada Izmir markii la sii daynayey Brunson. Waxaanu sheegay in ku faraxsan yahay sii daynta Brunson.
Andrew Brunson ayaa hore ugu xukunnaa saddex sano oo xadhig ah, taa oo uu ku muteystay sida ay sheegtay dowladda Turkigu taageerida kooxaha argagixisada ah, balse waxa sii dayntiisa ;agu soo beegay, iyadoo xiisad ka dhalatay Weriyaha caanka ah ee la waayay Jamal Khashoggi oo weli la layahay markii uu horaantii bishan galay Qunsuliyada Sucuudiga ee magaalada Istanbuul, taas oo abuurtay xiisad Turkiga iyo Sucuudiga, iyadoo maraykanka iyo dalal kale oo reer galbeedka ah ay si weyn u cambaaraynayaan weriyahaa oo dawladda Turkigu hore u sheegtay in lagu dilay qunsuliyada, balse xukuumadda Sucuudigu ay ku gacan saydhay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post