X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Joojiyay Caawimadii Hay’adda WHO Iyo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Canbaareeyay

US President Donald Trump speaks during a Coronavirus Task Force press briefing in the Rose Garden of the White House in Washington, DC, on March 29, 2020. (AFP photo)


Washington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa gebi ahaanba joojiyay dhaqaale malaayiin dollar ah oo dalkiisu siin jiray Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, wuxuuna ku amray shirkaddaha dalkiisa ku amray in aannay wax caawimo iyo gar-gaar ah siin.

Madaxweyne Trump, ayaa sabab uga dhigay go’aankiisa in ay Hay’adda WHO, noqotay mid musuq-maasuq hadheeyay, isla markaana gudan weyday waajibkeedii, oo ay ka gaabisay inay dunida uga digto khatarta xannuunka ku faafay dunida ee Coronavirus, kaas oo xilligan si weyn ugu faafay dalkiisa, isla markaana sababay dhimashadii ugu badnayd marka loo eego dalalka kale ee cuddurkaasi ku dhacay.


Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Madaxweyne Trump ku canbaareeyay go’aanka uu dhaqaalaha dawladda Maraykanku siin jirtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ku joojiyay, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo khaldan oo aan loo baahnayn xilliganMaraykanka, ayaa horre u diiday markii caabuqa Coronavirus ka bilaabmay dalkiisa inuu la wadaago WHO, warbixinaha xaaladda caabuqa ee dalkiisa, iyadoo la doonayo in meel laysugu geeyo diiwaanka dadka u dhinta COVID-19, kuwa kasoo kabta iyo heerka uu marba marayo guud ahaan dalalka uu ku baahay.


Sidoo kale, Maraykanka, ayaa ku gacan-saydhay ka hor intii aanu Fayriska Coronavirus dalkiisa gaadhin inuu wax macluumaad ah iyo xog iskaashi la doonayay in laga sameeyo xannuunka la yeesho Hay’addaha WHO, si khuburada baadhista cuddurada faafa ay isu weydaarsadaan xoggaha la xidhiidha caabuqa COVID-19.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post