X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Hakiyay Safarkiisa Florida Kadib Miisaaniyada Senetarada Labada Xsbi Isku Khilaafeen

Araweelo News Network

Representative Joaquin Castro speaks during a press conference on immigration reform and a looming government shutdown outside the U.S. Capitol January 19, 2018 in Washington, DC. (Getty Images)

Washington(ANN)-Madaxweyne Trump ayaa joojiyay safar uu ku tagi lahaa gobolka Florida toddobaadkaan ilaa heshiis laga gaadho miisaaniyada, kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Trump.

Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku eeg tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dumuqraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Febeuary ayaan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.

 

 

Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rajo xumo, waxa uuna bartiisa tuwiiterka soo dhigay ” arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed”.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaadhaan.

Mr Schumer, ayaa u sheegay saacado kadib werriyayaasha in “xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xidhiidha waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraadiga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale.

Xafiisyo badan oo dowladda ah, ayaa xiligan xidhmi doona, haddii aan la helin xal ka hor saqda dhexe xiliga Mareykanka oo ku eeg muddada miisaaniyada.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Sidan oo kale ayaa dhacday  2013, iyadoo murankaasi taagnaa muddo ku dhow laba todobaad Iyo dheeraad, taas oo saamayn weyn Waqtigaa ku yeelatay hawlaha Adeegyada Hay’addaha Xukuumadda.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post