Araweelo News Network
Washington(ANN)-Madaxweyne Trump ayaa joojiyay safar uu ku tagi lahaa gobolka Florida toddobaadkaan ilaa heshiis laga gaadho miisaaniyada, kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Trump.
Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku eeg tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dumuqraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.
Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Febeuary ayaan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.
Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rajo xumo, waxa uuna bartiisa tuwiiterka soo dhigay ” arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed”.
Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaadhaan.
Mr Schumer, ayaa u sheegay saacado kadib werriyayaasha in “xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xidhiidha waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraadiga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale.
Xafiisyo badan oo dowladda ah, ayaa xiligan xidhmi doona, haddii aan la helin xal ka hor saqda dhexe xiliga Mareykanka oo ku eeg muddada miisaaniyada.
Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.
Sidan oo kale ayaa dhacday 2013, iyadoo murankaasi taagnaa muddo ku dhow laba todobaad Iyo dheeraad, taas oo saamayn weyn Waqtigaa ku yeelatay hawlaha Adeegyada Hay’addaha Xukuumadda.