X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Dhibaatooyinka Soo Waajahay Ee Mudaharaadyada Iyo Sir Laga Xaday Aqalka Cad Dusha U Saaray Madaxweynihii Hore Obama

Araweelo News Network

Washington(ANN)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Barack Obama uu ka dambeeyo dibadbaxyada ka dhanka ah ee lagaga soo horjeedo siyaasadiisa iyo sidoo kale xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga eek a hor yimi iyo sirta la shaaciyay ee amniga ku saabsan.

Donald Trump oo la hadlayay TV-ga Fox News, ayaa yidhi, “Waxaan u maleynayaa in Madaxweyne Obama uu ka dambeeyo arrimahan dhacaya, sababtoo ah dadkiisa ayaa arrintan abaabulaya, waxaan u maleynayaa in arrintan ay siyaasad tahay”.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa miisaaniyadda iyo arrimo kale, isagoo sheegay in aanu hadal badnayn, balse uu dedaal heer sare ah sameeyay, isla markaana guul weyn ka gaadhay Qorshihiisa dhaqaalaha iyo difaaca oo uu arrimaha difaaca ku daray $54 bilyan oo dollar, isagoo dhinaca kale xusay inuu Munaafaq noqon lahaa haddii uu ka qaybgeli lahaa casho saxaafadda loogu sameeyay Aqalka Cad, asigoo sheegay in ay taasi iftiiminayso wararka been abuurka ah ee warbaahinta.

People march in protest to US President Donald Trump’s inauguration in Seattle, Washington, January 20, 2017. (Photo by Reuters)


Madaxweyne Trump, waxa wareysigaa laga qaaday la baahiyay saacado ka hor intii aanu Congress-ka u sheegin qorshihiisa ku waajahan dhimista qarashka iyo xoojinta dhaqaalaha.
Mar la weydiiyay muadaharaadyada ka dhanka ah ee ka dhacaya dalka oo dhan iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo horjeeda siyaasadiisa, wuxuu ku eedeeyay inuu ka shakisan yahay dad daacad u ah Obama Madaxweynihii uu xilka kala wareegay inay abaabuleen dibadbaxyada siyaasadiisa lagaga soo horjeedo iyo kuwa ku saabsan sirta Aqalka Cad ee la xaday ee warbaahintu heshay.

Protesters took to the streets following the news that Donald Trump was elected president. (file photo)


Balse Madaxweyne Trump ma cadayn eedaha uu dusha u saaray Madaxweynihii hore Obama, iyadoo aanu weli Madaxweynihii xilka uu kala wareegay ee Obama dhankiisa ka hadlin eedaymahaa.

Reed moreTrump: Obama and former aides behind protests, leaks

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post