Dagaalka Ganacsiga ee U.S. iyo Shiinaha Oo Sababay Khasaare Balaayiin Dollar Ah Iyo Dareenka Cadhada Leh Ee Guddaha Maraykanka
Washingtion (ANN)-Saamaynta caalamiga ah ee canshuuraha Trump kusoo rogay in ka baddan 75 dal oo caalamka ah ayaa noqotay masiibo si weyn u khal-khalisay siyaasadda dhaqaallaha iyo xasiloonida suuqyada ganacsiga iyo saamiyadda.
Tallaabooyinka ayaa abuuray qalalaase xataa guddaha Maraykanka, taas oo kicisay mowjad siyaasadeed iyo kacdoon, isla markaana dalalka caalamka qaarkood kaga fal celiyeen falal aargudasho ah iyo carqaladayn dhaqaale oo caalami ah.
Siyaasiyiinta guddaha Maraykanka iyo dadka ka faallooda arrimaha dhaqaallaha ayaa ku tilmaamay sharci jebin iyo mid si dhab ah u saamaynay dhaqaallaha Maraykanka iyo xidhiidhka ganacsiga aduunka.
Shuruucda caalamiga ah waxa saameeyay khilaafaadka ganacsiga ee Trump, taasoo horseedaysa talaabooyinka aargudashado, degganaan la’aanta suuqa, iyo siinta silsiladda sahayda.
Xaaladda ayaa weli ah dheecaan, wallow ay jiraan dhaqdhaqaaqyo wadaxaajood oo sii socda. Ganacsiyada, silsiladaha sahayda iyo isgaadhsiinta, Saamaynta Warshadaha Dawooyinka, Babuurta iyo birta, taas oo siyaasaddaha sayladdaha caalamka iyo suuqyada ganacsiga khalkhalisay, isla markaana sababtay khasaaraha malaayiin dollar.
Dagaalka ganacsi ayaa xuddun u ah khilaafka iyo loollanka awoodda dhaqaallaha iyo Millateri ee dhaxeeya Beijing iyo Washingtion, kaas oo sii xoogaysanaya, iyadoo Trump uu canshuur 125% ah ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, halka Shiinahana oo ka aargoosanaya uu Maraykanka kusoo roggay 84% oo canshuur ah, iyadoo saamayntu aannay ahayn mid koobban oo keliya dagaalka u dhexeeya labada dhinac ee quwaddaha waaweyn Shiinaha iyo Maraykanka, balse Suuqyada aan caadiga ahayn ee Aasiya iyo Yurub ayaan ka badbaadayn dagaalka xataa ka laabashada Trump ee dhanka Midawga Yurub.
Midowga Yurub ayaa hakiyay aargoosiga canshuuraha ka dhanka ah Maraykanka ka dib markii Donald Trump uu ka noqday canshuur kordhinta muddo 90 maalmood ah.
Tallaabooyinka aargudashada ee ka yimi quruumaha kale, waxa muuqatay in Suuqa adduunka ay ruxday Bangiga Yurub iyo Aasiya, iyadoo uu Digniin kasoo saareen arrintan Bangiyada England, Midowga Yurub iyo Canada, kuwaas oo dareemay wax-xoogay nefis ah kaddib go’aanka hakinta, wallow ay dhinaca kale sii kordhisay shakiga iyo kalsoonidarada dhaqaallaha Maraykanka.
Hase yeeshee Japan iyo South Korea ayaa waajahaya 25% tacriifada la kordhiyay, wallow Japan ay ka wada xaajoonayso ka dhaafitaannada. Jawaabaha Dibloomaasiga ah iyo kuwa Istiraatiijiyadeed ee Midowga yurub ayaa raadiyaa isbahaysi cusub, kuwaas oo doonaya innay la samaynayaan isbahaysi Shiinaha, India, iyo Vietnam si loo ilaaliyo xeerarka World Trade Organizition (WTO).
Khuburada dhaqaallaha iyo faallooyinka laga bixiyay ayaa tilmaamay dhaawaca ganacsiga iyadoo balaayiin ay lumayeen ilbidhiqsi kasta, suuqa hoos u dhaca todobaadkii la soo dhaafay, laakiin inta baddan ganacsatada waxay awooddi waayeen Xorriyadda’ wax ku saabsan xaddidaadda waxyeellada.
Marka laga hadlayo Suuqyada dammaanaddaha ee Maraykanka waxaa ruxay canshuuraha la soo rogay, iyadoo maal-gashadayaashu ay shalay tuureen deymaha dowladda Maraykanka, taasoo muujinaysa in kalsoonida lagu qabo dhaqaallaha Maraykanka ee sii yaraanaysa.
Dawladuhu waxay iibiyaan tacriifaddaha – asal ahaan IOUs – si ay lacag uga ururiyaan maal-gashadayaasha oo ay u soo celiyaan waxay bixiyaan dulsaar. Inta lagu jiro waqtiyada qalalaasaha dhaqaale ee caalamiga ah, maalgashadayaasha waxay inta badan raadiyaan inay iibsadaan tacriifaddaha Maraykanka maadaama ay dareemayaan inay yihiin maalgashi badbaado leh (goobta nabdoon) ee lacagtooda iyo dhaqaallaha Maraykanka si loo soo celiyo kalsoonida, Laakiin taasi shalay may dhicin.
Taa baddalkeeda maal-gashadayaashu waxay bilaabeen innay iibiyaan saamiyada markii dalabaadkoodu hoos u dhacay cabsida laga qabo in tacriifada ay kor u qaadaan sicir-bararka oo ay saameeyaan soo celinta, heerka dulsaarka (ama wax-soo-saarka) dawladda Maraykanku waxay bixiso si ay u amaahato lacag si degdeg ah.
Iibinta gaaban waa jira ganacsato hesha saamiyo isla markaaba iibiya marka ay dhacaan arrimahan oo kale, iyaga oo qorsheynaya in ay dib u soo iibsadaan qiimo jaban oo ay jeebka ku shubtaan faraqa u dhexeeya haddii qiimuhu hoos u dhaco, waxaana fursadaa ka faa’idaysay qaar ka mid ah ganacsatada hoose.
“Waxaan guriga ku joogaa laptop-ka, waxaan haystaa CNBC, BBC-da TV-ga, iyo Times oo geeska kale ah. waxaan ku booday cagahayga sababtoo ah maan filaynin go’aankan, waxaan filayay ogeysiis. ” sidaa waxa yidhi, khabiir dhaqaalleyahan.
McDonald ayaa la filayaa inuu dhimo tacriifada 10% ama 20%. “Qofna ma filayn tirooyinkan faraha baddan,” ayuu raaciyay, isagoo xusay inuu xasuusto in uu indhihiisu ku tartameen si uu u ogaado shirkaddaha laga yaabo in ay sida xun u dhufatay dhirbaaxo arrintan ka dibna iibisay saami deg deg ah.
“Kuwani waa balaayiin laga tirtirayo qiimaha saamiga ilbiriqsi kasta, marka runtii waa farta ugu dhaqsiyaha baddan marka hore Maskaxdaydu way orodaysay markii waxanu dhacayeen ayuu raaciyay.
US vs Shiinaha
Sida ay hadda tahay, Maraykanka ayaa 125% ku soo rogay badeecadaha Shiinaha ka yimaada, halka Beijing ay 84% ku soo rogtay badeecadaha Maraykanka laga keeno.
Canshuuraha 25% ayaa ku jira dhammaan aluminium iyo birta loo dhoofiyo Maraykanka, taas oo soo socotay ilaa badhtamihii March 2025, oo ku beegan bilihii u horeeyay ee uu xafiiska kusoo laabtay Trump. laakiin Baabuurta iyo qalabka baabuurta laga soo bilaabo 3 April, waxaa sidoo kale jiray 25% tacriifaddaha la saaray soo dejinta baabuurta shisheeye ee Maraykanka.
Tacriifada qiime gaar ah oo 10% ah oo lagu soo rogay dhammaan badeecaddaha la soo dejiyo Maraykanka ayaa beddelay liis kala duwan oo tirooyin ah, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa uu Trump ku tilmaamay ‘ dambiilayaasha ugu xun’ 90 maalmood ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay joojinta waddamada ee shalay.
Si kastaba ha ahaatee waxay khasab noqotay in Madaxweyne Trump ka laabto go’aanka sida weyn u dhaawacay dhaqaallaha aduunka ee abuuray qallalaasaha, iyadoo siyaasiyiinta guddaha Maraykanku ku baaqeen in Madaxweynaha lagu qaado maamuus ka xayuubin maadaama uu tallaabooyin khatar gelinaya dhaqaallaha aduunka iyo weliba dhaqaallaha Maraykanka oo saamayn weyn ku dunida kale, isla markaana waxay ku go’aanka ku macneeyeen mid go’doon ka dhigaya Maraykanka oo durba si toos ah saamayntiisu u taabatay nollosha Bulshadda Maraykanka, waaxaana loo arkaa ka laabshada go’aanku in aannu meesha ka saarin khatarta iyo cabsida dhaqaallaha aduunka, maadaama uu sii kordhiyay Cashuuraha badeecaddaha dhanka Shiinaha, taas oo shiinuhu dhankiisa kaga fal celiyay inuu kordhiyo.
Dagaalka dhaqaalle ee ficilada ficiltanka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa laga cabsi qabaa innay galaaftaan dhaqaallaha aduunka iyo ganacsiga caalamka oo ay saamaynta ugu baddan ku leeyihiin, taas oo sii xoojisa dhibaatada dhaqaalle iyo ganacsiga ee dunida awalba ay naafeeyeen dagaalada Bariga dhexe, Ukraine iyo xiisadda Badda Cas ee beegsiga Xuutiyiinta ee Maraakiibta ganacsiga ee isaga gudba caalamka.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com