X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Muxuu Ka Yidhi Khilaafka Dalalaka Khaliijka Iyo Eedaha Loo Jeediyay Xukuumadda Qadar?

Araweelo News Network

This file photo taken on May 20, 2017 shows US President Donald Trump (L) and Saudi King Salman bin Abdulaziz Al Saud in Riyadh, Saudi Arabia.

Washington(ANN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mugdi geliyay mowqifka Washington ee ku waajahan khilaafka u dhaxeeya saddex ka mid ah dowladaha Khaliijka Carabta iyo Qadar.

Trupm ayaa qoraallo uu ku faafiyay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in hoggaamiyaasha Carabta ee ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Riyadh bishii May 2017 ay dhammaantood Qadar ku eedaynayeen taageerada Afkaarta iyo fekerka Argagaxiso iyo Xagjirnimada.

“Intii aan Booqanayay Bariga dhexe waxaan ka digay Maalgelinta Fikirka xagjirnimada iyo Argagaxisada Hoggaamiyaasha Carabtana waxay Farta Ku Fiiqayeen Qadar” sidaas waxaa yidhi Trump.

Hoggaamiyaha Mareykanka weedhaha uu ku qoray bartiisa Twitterka, ayaa u muuqda inuu si dadban u taageerayo go’aanka ay qaateen dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn ee isu kaashaday sidii ay u go’doomin lahaayeen xukuumadda Qadar, wuxuuna Mr. Trump oo sii hadlayay ayaa yidhi “Tani waxay noqon doontaa billaawga gaba gabada hororka Argagaxisada”.

Xukuumadda Qadar oo daadefaysay go’aanka ay isugu kaashadeen qaar ka mid ah dallaka Khaliijka, ayaa sheegtay in aanay wax saamayn ku yeelanayn dalkeeda iyo dadkeeda go’aanka, balse si weyn u daadafaysay eedaha la xidhiidha in ay taageerto kooxaha loogu yeedho Argagixisada, mana jirto wax jawaab ah oo ay ka bixisay weedhaha kasoo yeedhay Donald Trump oo ay isku dhowyihiin hoggaamiyaasha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga, walaw cilaaqaad fiican ka dhexeeyay Maraykanka iyo Qadar, isla markaana Maraykanku ku leeyahay dalka Qadar Saldhig Millateri.

Dhinaca kale Xiisada ka taagan dalalaka Khliijka, waxa dhexda u xidhay sidii uu xaalada u dejin lahaa Amiiirka dalka Kuwait Amir Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah iyo xukuumadda dalka Cumaan oo labadooduba ku jira dallaka golaha iskaashiga Khliijka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post