X
    Categories: Warar

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Soo Shaqo Taga Gurigiisa Gaarka Ah Ee Uu Dhawaan U Guuray

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo dhawaan ka guuray Qasriga Madaxtooyada, una guuray Gurigiisa gaarka ah, ayaa si joogto ah ugu soo shaqo taga Xafiiskiisa qasriga madaxtooyada ku yaalla, marka uu shaqada ka baxana waxa uu ku noqdaa ama ku rawaxaa gurigiisa, isagoo madaxweynuhu ka soo shaqo tagi doona inta ka hadhay xilwareejinta uu madaxweynuhu ku wareejin-doono Madaxweynaha shacbigu ay u soo doorteen inuu hoggaamiyo qaranka Somaliland Shanta Sanno ee soo socda, waa mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo muddo todoba sano hoggaanka u hayey qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay shacbigu u doorteen inuu noqdo madaxweynaha bedeli doona madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Rayaale Kaahin, oo isaguna ahaa madaxweyne shacbigiisu doortay ayaa waxay taasi Somaliland u horseeday in uu noqdo qaran adduunku indho gaara ku eego, taariikh lama ilaawan ahna ku reebtay guud ahaan geeska afrika oo aan looga baran in Xukunka si dumuqraadi ah laysugu wareejiyo , marka loo eego xilka qori isu dhiibka ah ee sababay in saddex madaxweyne oo shacbigu soo xushay ay hoggaanka dalka Somaliland isaga danbeeya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post