X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwadiisa Oo Si Kal Iyo Laab Ah Ugu Qaabilay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynihii Hore Rayaale Iyo Marwadiisa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xalay kulan Casho sharafeed ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelinaysay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan.

Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinaysay Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Safiirka Somaliland u fadiya Imaaraadka, Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo xubno kale.

Madaxweyne Silaanyo ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo wakhtigan dalka ku sugan.

Kulankan oo aan ahayn kii u horeeyey ee ay wada yeeshaan madaxweynaha hada tallada haya iyo madaxweynihii hore, tan iyo intii ay xilka la kala wareegeen dhamaadkii sanadkii 2010 kii.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post