Araweelo News News
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilanyo) oo Ambassador Zayd Al Sabaan oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta guddoonsiinaya hadyad
Dhanka Xukuumadda waxa kulankan Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe). Intii uu kulankani socday waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Ururka Jaamacada Carabta iyo doorka ay Jaamacada Carabtu ka qaadan karto bernaamijyada horumarineed ee ka socda Jam. Somaliland. Dhinaca kale waxa iyana la isla soo qaaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u ixtiraami lahaayeen qadiyada Somaliland.
Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay weftigii ka socday Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xukuumaddu si weyn u dar-dar galisay isla markaana dedaalo dheeraad ah galisay tayaynta xidhiidhka ay Jam. Somaliland la leedahay Dunida Carabta. Xukuumaddu waxay daruuri iyo lagama maarmaanba u aragtaa inay la timaado qorshe iyo weji siyaasadeed oo fur-furan oo ka duwan kii ay Somaliland hore ugula dhaqmi jirtay Dunida Carabta. Qorshahani wuxuu hagayaa oo uu si cad uga tarjumayaa baahiyaha uu leeyahay Qaranka Jam. Somaliland ee ku wajahan xidhiidhka dhinacyada badan leh ee uu dalkeenu la leeyahay Dunida Carabta.
Guntii iyo gebagabadii, kulankani wuxuu ku soo dhamaaday is faham, isu soo dhawaansho iyo balanqaadyo hor leh halkaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu waftiga ku guddoonsiiyey hadiyad ka Turjumaysa Astaanta Qarannimada Jam. Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Ururka Jaamacadda Carabta ku baraarujiyey sida ay Somaliland uga baahan tahay hagar-bax iyo hiilba, gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarinta, iskaashiga aqoonta iyo deeqaha Waxbarashada iyo ka qayb qaadashada adeegyada guud ee lagama maarmaanka u ah tayaynta Nolosha Bulshada.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com