X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Dab-demiska Caasimada Hargeysa

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loo qabtay Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo badan waxaanu yidhi “Dhammaan martisharafta, masuuliyiinta ciidanka dab-damiska, taliyayaasha ciidamada qaranka ee kala duwan asalaamu calaykumwaraxmatulaahi wabarakaatuh.

Ugu horayn sharaf weyn ayay ii tahay in aan kasoo qayb-galo munaasibadan xadhiga lagaga jarayo xarunta cusub ee loo dhisay ciidanka dab-deniska islaarkaana tababarka loogu soo xidhayo ciidanka dhamaystay xirfadda deb-deminta iyo gargaarka koowaad. Waxan hambalyo u jeedinayaa halyey-yada ciidanka dab-damiska ee dhamaystay tababarka u socday mudada lixda bilood ah.

 

Sidoo kale waxaan si weyn u bogaadinayaa taliyaha ciidanka dab-damiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo si hagar la’aan ah ugu adeegay ummadiisa.

Waxaan u mahad-naqayaa dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta doorka weyn ka qaatay in qarankani yeesho agab iyo ciidan la dagaalama khatarta dabka, si gaar ahna waxaan u bogaadinayaa odayaashii taageerada la barbar taagnaa taliska ciidanka dab-damiska iyo maamulka dawladda hoose ee caasimada, gaar ahaan duqa magaalada, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Saltelco) oo kaalin mugleh ka qaatay hana qaadka iyo taabba-galka ciidanka dab-damiska caasimada.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Alle mahadii tan iyo intii aynu xornimaddeena helnay 26kii June 1960kii waxaynu markii u horreysay maanta yeelanay ciidan si gaara ula dagaalama khatarta dabka.

 

Dabku wuxuu kamid yahay dhibaatooyinka iyo aafooyinka ugu waaweyn ee ku gedaaman nolosha casriga ah ee magaalooyinka, kaasoo halis ku haya nabad gelyada bulshooyinka caalamka meel kasta ay joogaan.

 

Xukuumadda xisbiga KULMIYE, ee aan gadh-wadeenka ka ahay waxay xooga saartay yagleelida iyo dhismaha ciidan dab-damis in uu yeesho qarankani kadib markii aanu aragnay baahida weyn ee loo qabo, iyo khasaaraha uu naf iyo maalba inoo geysto.

 

Waxaan kula dardaarmayaa ciidan weynaha loo tababaray xirfaddan deb-damiska inay u gutaan xilkooda si dedaal iyo daacadnimo leh.

 

Uga dambayn waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa inay is garab taagaan, islamakaana gacan siiyaan naftood hurayaasha ciidanka dab-demiska ee habeen iyo maalinba heeganka u ah sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka masiibada dabka.

Wabilaahi Tawfiiq.

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
nasirnaska77@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post