X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Lagu Balaadhiyay Dekedda Berbera Kadibna Kusoo Laabtay Hargeysa Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay

Qaybta Madaxweyne Silanyo xadhiga ka jaray Balaadhinta Dekedda Berbera

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdigiisa oo socdaal ku gala-bixinayay maalmihii u danbeeyay gobolada bariga Somaliland, ayaa maanta gelinkii danbe kusoo laabtay magaalada Caasimada Hargeysa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu kusoo laaban Hargeysa cagta geliyay Marsada Magaalada Berbera, ayaa xadhiga ka jaray mashruuc muddooyinkii u danbeeyay ay wadeen maamulka Dekeda ee uu hormoodka u yahay Eng. Cali Xoor-Xoor, kaas oo lagu balaadhinayay dekedda.


Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hawsha balaadhinta dekeda berbera mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsatay iyo horumarka baaxad leh ku amaanay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor) oo iska xilsaaray sidii qaranka Somaliland u yeelan lahaa deked ay isku halayn karaan shacbiga iyo dawladaha jaarku, isla markaana ula tartanta dekedaha Caalamka iyo kuwa gobolkaba.

Qaynta cusub ee lagu kordhiyay Dekedda Berbera, ayaa loogu magac daray Barxada Wajaale oo noqonaysa wejigii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay dhowaan, isla markaana muddo gaaban gudeheed uu xadhiga ka jaray markii la dhamaystiray, wuxuuna dedaalkaa uu ku amaanan Maareeyaha Dekeda.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu Maareeyaha ku amaanay dedaalka iyo kartida Alleh hibada u siiyey, isagoo yidhi waanu ku faraxsanahay inaad Maareeye Wejigii labaad ee balaadhinta Dekeda ku guulaysato oo aan galabta xadhiga kaaga jaro, tan oo farxad gelinaysa dalka iyo dadkaba anagana noo ah faan iyo dhiirigelin marka aanu aragno dad sidaada oo kale dalka u adeegaya dalkooda iyo qarankooda, waanaan kugu hambalyeynayaa ee halkaas ka sii wad dedaalkaagaโ€ ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali xoor-xoor ) oo sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha qaabka loo dhisay iyo xadiga ay ku fadhido dekeda cusub, ayaa sheegay in 2,250M2 oo isku wareega ay dhantahay, wuxuuna xusay inay noqonay mid kafaalada qaadi doonta guud ahaan wixii dekeda kasoo dega ee u socda wadamada jaarkeena ah iyo wixii dheeriya ee dalka soo gaadhaba, isagoo iftiimiyay ahmiyada iyo waxtarka ay u leedahay qaybta cusub ee Dekedda Berbera lagu kordhiyay dalka iyo dadkaba.

Qaybta lagu kordhiyay Dekeda Berbera

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo haddalo ka jeediyay munaasibada xaflada qaybta cusub ee Dekedda loo qabtay, waxay markaa ka dib usoo boqooleen dhinaca Caasimada Hargeysa, iyadoo Madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay galabta magaalada Hargeysa.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post