Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu kusoo laaban Hargeysa cagta geliyay Marsada Magaalada Berbera, ayaa xadhiga ka jaray mashruuc muddooyinkii u danbeeyay ay wadeen maamulka Dekeda ee uu hormoodka u yahay Eng. Cali Xoor-Xoor, kaas oo lagu balaadhinayay dekedda.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hawsha balaadhinta dekeda berbera mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsatay iyo horumarka baaxad leh ku amaanay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor) oo iska xilsaaray sidii qaranka Somaliland u yeelan lahaa deked ay isku halayn karaan shacbiga iyo dawladaha jaarku, isla markaana ula tartanta dekedaha Caalamka iyo kuwa gobolkaba.
Qaynta cusub ee lagu kordhiyay Dekedda Berbera, ayaa loogu magac daray Barxada Wajaale oo noqonaysa wejigii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay dhowaan, isla markaana muddo gaaban gudeheed uu xadhiga ka jaray markii la dhamaystiray, wuxuuna dedaalkaa uu ku amaanan Maareeyaha Dekeda.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu Maareeyaha ku amaanay dedaalka iyo kartida Alleh hibada u siiyey, isagoo yidhi waanu ku faraxsanahay inaad Maareeye Wejigii labaad ee balaadhinta Dekeda ku guulaysato oo aan galabta xadhiga kaaga jaro, tan oo farxad gelinaysa dalka iyo dadkaba anagana noo ah faan iyo dhiirigelin marka aanu aragno dad sidaada oo kale dalka u adeegaya dalkooda iyo qarankooda, waanaan kugu hambalyeynayaa ee halkaas ka sii wad dedaalkaaga” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali xoor-xoor ) oo sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha qaabka loo dhisay iyo xadiga ay ku fadhido dekeda cusub, ayaa sheegay in 2,250M2 oo isku wareega ay dhantahay, wuxuuna xusay inay noqonay mid kafaalada qaadi doonta guud ahaan wixii dekeda kasoo dega ee u socda wadamada jaarkeena ah iyo wixii dheeriya ee dalka soo gaadhaba, isagoo iftiimiyay ahmiyada iyo waxtarka ay u leedahay qaybta cusub ee Dekedda Berbera lagu kordhiyay dalka iyo dadkaba.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo haddalo ka jeediyay munaasibada xaflada qaybta cusub ee Dekedda loo qabtay, waxay markaa ka dib usoo boqooleen dhinaca Caasimada Hargeysa, iyadoo Madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay galabta magaalada Hargeysa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.