X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Afar Maalmood Ah Kadib Kusoo Laabtay Hargeysa Iyo Kormeer Uu Ku Sameeyay Mashruuca Xunba Weyne

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ku soo laabtay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isagoo soo kormeeray Dhaamka Xumbo weyne oo gebegebo ku dhaw wakhtigan roobabkiina ay buuxiyeen oo uu guul iyo tijaabo wacana uu joogo biyo xidheenkaasi.

Iyadoo madaxweynaha ay dadweynaha caasimadu ku qaabileen soo dhaweeyeen aanay u kala hadhin oo taxnayd dacalada magaalada ilaa madaxtooyada ayuu madaxweynuhu kormeer ku tegay wadada ay dawlada hoose ee hargeysi gacanta ku hayso taasi oo maraysa saldhiga dhexe hortiisa iyadoo ay ka soo bilaabeen Airportka Hargeysa.

?


Waxaana madaxweynaha warbixin ka siiyey maayarka caasimada siday hawshu ugu socoto, madaxweynuhuna wuxuu hambalyo u diray maayarka iyo guud ahaan inta ku hawlan shaqadaasi qiimaha badan, ka dib madaxweynuhu waxa uu salaan gacan taag ah ugu tegay dadweyne aad u tiro badan oo soo buux dhaafiyey jidadka caasimada waxaanu u soo gudbay dhinaca qasriga madaxtooyada oo ay ku sugayaan haldoorka bulshada somaliland iyo masuuliyiin uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Socdaalkan madaxweynaha oo qaatay muddo afar maalmood ah ayuu madaxweynuhu ku tegay gobolada saaxil iyo Togdheer oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo mustaqbalka dhaw iyo ka fogba qaranka iyo shacbigiisa guul taariikhi ah u leh, shacbiga somaliland oo ka duulaya aragtidaasi madaxweynaha ayaa maanta kaga jawaabay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen madaxweynaha qaranka.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post