X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay in Dalalka Somaliland iyo Ethiopia Wadaagaan Wax Baddan

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan taariikho ma-guurto ah, kadib markii labada dal iska xoreeyeen maamulkii Keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre iyo Mingiste Hailemariam 26 sanno ka hor.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada iyo Warbaahinta ee Somaliland, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo dadweynaha dalka Itoobiya xuska sannad-guuradooda oo dhambaal hambalyo ah u diray dalka 26aad ee Ginbot oo ku beegnayd Axaddii shalay.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa ee xiligaasi xukumayey dalka Itoobiya oo ku beegan maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 28/05/2017, marka taariikhda Itoobiya loo noqdana ku beegan xuska 20 guurada loo yaqaan Ginbot 2009.
Xuska Ginbot oo ah maalin taariikhda Itoobiya qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbiga iyo dawladda Itoobiya inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo, iyo Itoobiya oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.
Marka laga yimaad xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga, iyo deris wanaaga ee Itoobiya inaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti amma rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataano ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli-talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post