X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbigiisa Fariin Uga Diray London

Madaxweyne Silanyo iyo wefdigiisa oo gaadhay Ireland

London(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan dalka Britan, ayaa dhanbaal ku waajahan munaasibada  sanadka  cusub ee Islaamka ee Taariikhda Hijriya oo ku beegan maalinta Arbacada 14 Oct, 2015, u mariyay hawada shacbiga Somaliland, wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, wuxuu shucuubta Islaamka u rajeeyay horumar  iyo barwaaqo.

 

Dhanbaalka Madaxweynaha , ayaa u  qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacbiga Somaliland waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri Arbacada taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015 uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taas la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

 

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

 

Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaal  Madaxweynaha Somaliland kasoo diray London.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo weli ku sugan dàlka Britain, ayaa là filayàa inuu maalinta Arbacada uu  là hadlo  Jahliyàdaha Cariga Britain ee Somaliland.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post