X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Kuwait

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa ka dhoofay dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeisa galabta.

Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey ayaa sida Madaxtooyadda Somaliland sheegtay waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay Dalka Kuwait oo madaxweynaha iyo weftigiisa u soo diray diyaarad khaas ah, taas oo madaxweynaha toos u geyndoonta dalka Kuwait, halkaas oo la filaayo in madaxweynuhu kulan kulayeeshi Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo isagu madaxweynaha u fidiyey martiqaadka.

Madaxweynuhu intii aanay ka dhoofin madaarka Egal International, waxa uu Qasriga Madaxtooyada dhexdeeda salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaran Somaliland.

Xubnaha Madaxweynaha ku Wehelinaayey Safarka
1. Marwada Madaxweynaha Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,
2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi,
3. Maareeyaha Dekeda Caalamigaa ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)
4. Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post