X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Kedis Ah Kaga Baxay Dalka Xili Loolanka Siyasadeed Ee Kulmiye Soo Cusboonaaday

Hàrgeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo, ayaa so lama filaan ah saaka safar ugu baxay dàlka dibbadiisa, kaas oo ah safar aan hore loo shaacin oo ku beeegmay xili xiisada siyaasadeed ee loolanka xisbiga ee Kulmiye làga dareemayo Hargeysà, isla martkaana loo diyaargaroobayo shirkii golaha dhexe ee lagu dooranayay musharax uga qaybgala tartanka doorashada soo socota.
Madaxweye Siilaanyo o ay weheliyaan Marwadiisa iyo Wasiirka Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maridoona Dubai.

Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaraha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacanqaadeen halkaasi.

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi sidan:-

Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaalkayga aan ugu ambabaxaayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya.

Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa madaxda IRELAND iyo sidii wadankaasi,

Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho ka turjumaysa dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacanta lagu hayo.

Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.

Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka

Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.

Madaxweynaha waxa safarkaa ku weheliyay

1. Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde 2. Wasiirka

Xasan 3. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali 4. Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka socday Tv Qaranka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252  63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post