X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha maxkamaddaha Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bahda garsoorka ka dalbay inay wax ka beddelaan kalsooni-darrada shacabku ka qabaan hay’adaha garsoorka ee dalka.
Madaxweynaha oo qarsiga Madaxtooyada kula kulmay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha garsoorka ee gobollada dalka shalay, ayaa ka dhegaystay warbixino ku saabsan caqabadaha ku xeeran masuuliyadda ay qaranka u hayaan iyo waxyaabaha u qabsoomay.
Bahda garsoorka oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa kulankaas Madaxweyne Siilaanyo ugu gudbiyey warbixino aad u tiro badan badan oo taabanaya caqabadaha haysta garsoorka iyo waxyaabaha u qabsoomay muddooyinkii isbeddelka lagu sameeyey garsoorka Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo markii kulanku dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in kulankaas oo Madaxweynuhu la yeeshay guddoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanka iyo gobollada uu qayb ka yahay dedaallo lagu dardargelinayo garsoorka iyo caddaaladda.
“Waxa halkan isugu yimi guddoomiyayaashii maxkamadaha gobollada iyo rafcaanka, shir baanay laba maalmood halkan ku lahaayeen, Madaxweynuhuna maanta wuu casuumay si uu ugala hadlo dardargelinta garsoorka iyo caddaaladda. Waxa aannu uga mahadnaqaynaa sida fiican ee Madaxweynuhu noo aqbalay. Waa markii u horreysay ee guddoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanka iyo gobollada waddanka oo dhan qasriga Madaxtooyada uu Madaxweynuhu ku qaabilo amma inta la xasuusan yahayba, waayo hore uma ay dhici jirin, waxaanay badh ka tahay dardargelinta garsoorka iyo caddaaladda wax lagaga beddelayo.”
“Waa la is xog-waraystay, talo iyo tusaale ayuu Madaxweynuhu soo jeediyey, guddoomiyayaashu wixii tallooyin iyo ra’yi ah bay u soo jeediyeen, aad ayaanan Madaxweynaha iyo kooxdiisa uga mahadnaqayna sida fiican ee ay noo soo dhoweeyeen,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna dhankiisa ka warbixiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka Madaxweynuhu la yeeshay bahda garsoorka, waxa uu sheegay inay ugu weynaayeen caqabadaha haysta hay’adaha caddaaladda iyo waxyaabaha u qabsoomay.
“Waxay bahda garsoorka ee gobollada kala duwan ka warameen waayaha iyo duruufaha ku xeeran masuuliyadda ay qarankan u hayaan iyo wixii u qabsoomay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu uga mahadnaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Caddaaladda isbeddelka laxaadka leh ee ay ka wadaan garsoorka. Waxa bartilmaameed u ah Madaxweynaha maamulkiisa sida aad xogogaalka u tihiin khudbad-sannadeedkii uu ka horjeediyey baarlamaanka (Golaha Guurtida yo Wakiillada) sannadkan, wuxuu si xoog leh ugaga hadlay garsoorka Somaliland, isbeddelka uu u arko inuu ka imanayo isagoo madaxbannaan, haddana Madaxweynaha hoos yimaad. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay ilaa 11 qodob oo waxqabad ah,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Sidoo kale, waxa uu tibaaxay in Madaxweynuhu ku guubaabiyey bahda garsoorka in ay beddelaan kalsooni-darrada shacabka ka haysta garsoorka dalka, waxaannu yidhi; “Waxa uu Madaxweynuhu ku gubaabiyey guddoomiyayaashaas gobollada ee kala duwan in ay isbeddelkaas xaqiijiyaan, in ay ummadda caddaalad gaadhsiiyaan oo ku dhaqaan, in kalsoonidii bulshada ee ummadda kalsooni-darradu kaga dhacday, niyad-jabkuna kaga dhacay ay dib u soo nooleeyaan oo ummaddu aaminto caddaaladda, garsoorka, sharciga iyo kala dambaynta.
Waxaannu ugu dambayn hambalyeynaynaa, una mahadnaqaynaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan siday xilkooda u gudanayaan. Waayaha iyo duruufaha ku gedaamanna inay u dul qaataan ayaanu ku waaninaynaa kula dardaarmaynaa wixii lagala qaban karana dhammaanteedba Madaxweynuhu runtii waxyaalo badan uu ballanqaaday inuu wax kala qabto,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

‘Anigu Dawladna kama Gardarnaado… kii igu Gardarroodana waan iska Waabiyaa, Tanna (Xukuumadda Siilaanyo)…’

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post